Xeerka Qoyska Soomaaliyeed

Xeerka Qoyska Soomaaliyeed


Xeerka Qoyska Soomaaliyeed

Xeerkii qoys ee u horeeyay ee  Soomaliya yeelato wuxuu ahaa xeer Lr:23 ee soo baxay 8 maarso 1975kii, laakinse waxaa la yaab lahayd in xeerkan qoysku qodobadiisu badankoodu ay ka duwanaayeen dhamaan xeerarkii qoyska ee dawladihii jaamacadda carabta oo idil waxaana saldhig looga dhigay mabaadi'idi kacaankii hantiwadaaga ahaa([1]).

Sidoo kale Soomaaliya waxay iska indha tirtay talaabadii ay qaadeen dawladihi kale ee carbeed ee shuuciyadda qaatay sida Suuriya,Ciraaq iyo Yementa koonfureed oo iyagu iska diiday inay si toos ah u meel mariyaan mabaadi'dii shuuciyadda ee ku saabsanayd dhanka qoyska, ee ay ugu weyneyd arinta sinaanta ragga iyo dumarka ee dhanka dhaxalka.

Taasina waxay dhalisay in cadaadis badan uu dawladdii kacaanka kaga yimaado dhinaca wadamadii carbeed, taas oo keentay in la joojiyo shirkii jaamacadda carabta ee lagu qaban lahaa muqdisho sanadkii 1975tii.

Dhanka gudaha dalkuna shacabka badankiisu waa iska aamuseen iyadoo laga wada cabsi qabay seefti kacaanka oo markaa kululayd, waxaana batay mucaaradadi gudaha iyo dibadda.

Xeerka Qoyska Soomaliyeed ee 1975kii sinaba lama odhan karo waxaa laga soo qaatay fiqiga islaamka gaar ahaan axkaamta ku saabsan dhaxalka, haba ku xusnaato qodobka koobaad ee xeerkaasi in saldhig looga dhigay axkaamta shareecada islaamka uuna qaatay qawlka raajixa ah ee fiqiga imaamu shaafici iyo mabaadi'da guud ee shareecada iyo cadaaladda ijtimaaciga ah[2].

         Dhaliilaha Xeerka Ciqaabta SoomaaliyeedGuji Halkan

Muxuu ku Khilaafay Shareecadda Islaamka Xeerka Qoysku:


Waxaynu si kooban u xusayna qaybo ka mid ah qodobada uu xeerkani si cad u khilaafay shareecada islaamka waxaana kamid ah qodobadaas:

·        Sinaashiyaha Dhaxalka Ragga iyo Dumarka:


Qodobka 158aad[3] ee xeerkani wuxuu si cad u sheegaya in wiilka iyo gabadhu ay u simanyihiin dhaxalka waalidkood.
In haweenayda iyo ninkeedu ay u simanyihiin dhaxalka, hadii midkood uu geeriyoodo oo uu ka kale dhaxlayo isagoo siiyay haweenayda hadii ninkeedu dhinto aanu caruurna ka tagin xoolaha badh haduu caruur katagayna rubuc ama afar meelodow meel, taas oo si cad uga hor imaanaysa axkaamta dhaxalka ee ku cad suuratu al-Nisaa'.

Sidoo kale wuxuu simay dhaxalka walaalka iyo walaasha hadii ay dhaxlayaan walaalkood ama walaashood oo dhimatay sida ku cad qodobka 164aad.

·        Dhaxalka ilmaha la korsaday:


Ilmaha aan waalidkiis la aqoon ee meel dayacan yaalla Shareecada Islaamka iyo damiirka Aadane nimoba wuxuu ina farayaa in la koriyo uuna helo daryeel wanaagsan, laakinse shareecada islaamku ma banaynin in ilmaha la korsodo uu qaato magaca iyo abtirsiga qofka korsaday, dhaxalkiisana qeyb kama noqon koro[4].

Xeerka qoysku labadaa arimoodba isagu waa baal maray oo qodobka 113aad wuxuu siiyay qofka la korsanayo magaca qofka wax korsanay, qodobka 114aad wuxuu xaq u siiyay qofka la korsaday in uu qeyb ka noqdo dhaxalka qofka korsaday oo uu kala sinaado dhaxalka ilmaha uu qofkii korsaday uu dhalay.

·        Ka qayb qaadashada xaaska biilka qoyska:


Qodobka 31aad ee xeerkan waxaa ku xusan in waajib tahay in labada qof ee is qaba ay kawada qayb qaataan takaalifta iyo qarashaadka qoyska[5] mid kastaba inta uu dakhligiisu le'egyahay,hadii mid kamida labadooda aanu awoodina waxaa waajib ku ah ka kale inuu dusha u rito dhamaan qarashaadka qoyska[6].

Qodobkanina wuxuu laalay masuuliyaddi ninka ka saarnayd qoyska ee ahayd in isaga laga rabo dhamaan masaariifta qoyska, wuxuuna ka dhigay qoyska shirkad garab rarato ah oo ay ku midoobeen ninka iyo xaaskiisu oo midkastaayiba qarashka intii isaga kusoo hagaagto uu bixinayo.

·        Laalista Waliga:


Xeerkani wuxuu laalay awooddii iyo wilaayadii uu waligu ku lahaa gabadha, isagoona awood u siiyay gabadh kasta oo 18 sano gaadhay in ay qofkay rabto guursan karto iyadoo aan u baahnayn wali[7].
Arintaasina waa mid si toos ah uga hor imaanaysa axaadiith badan oo nabigeena (SCW) laga soo wariyay, iyo axkaamta mad-habka imaamu shaafici.

·        Mamnuucida guursashada wax ka badan hal xaas:


Xeerkani sicad uma mamnuucin guursashada hal xaas wax ka badan, laakinse wuxuu ku xidhay shuruudo ay adagtahay in la helo, kuwaasoo ka dhigaya in qofku xaas labaad guursado wax ay aad u adagtahay in ay dhacdo[8].

Si kastoy ahaataba xeerkani ma noqon mid u hirgalay sidii la rabay, qeybo badan oo bulshada ka mid ihina waa ka biya diideen, xiligii kacaanka wixii ka danbeeyayna garsoorayaasha maxkamaduhu waxay arimaha xeerka qoysku uu nidaaminayo xukunkooda u cuskan jireen, xeerkani wixii uu shareecada ka waafaqsanyahay iyo qawlka muctamadka ka ah mad-hadbka imaamu shaafici.

     Gunaanad:


Xeer dejiyayaasha soomaaliyeedna waxaa looga fadhiyaa xeerkii xeerkan badali lahaa, mar haddii uu xeerkani yahay mid ka hor imaanaya mabadii'da iyo caqiidada umadda, uu yahayna mid soo toos ah uga hor imaanaya qodobka 2aad faqradiisa 3aad ee dastuurka ku meelgaadhka ah ee soomaaliya.



                                           W/Q: Khaalid Jaamac Geelle

    Xogtan iyadoo intaas ka badan waxaad ka helaysaa Buugga Barashada Cilmiga Qaanuunka.


[1] Sababihii keenay inuu soo baxo xeerka qoyska soomaaliyeed 1975tii waxaa la odhan karaa inay kamid ahayd:
Qaramada Midoobay oo sanadkaa u aqoonsatay sanadkii haweenka "Inernational Woman’s Year",iyadoo Qaramada Midoobay ay isla sanadkaa soo saartay baaq ku wajahnaa sinaanta ragga iyo dumarka loona saaray arintaa Guddi loo magacaabay, waxaana loo qaybiyay gudigaa qaaradaha dunida… muqdisho ayaana lagu qabtay shirkii qaaradda afrika loogu talagalay intii u dhaxaysay 13-15-Febraayo 1975 shirkaaso cinwaan looga dhigay sinaanshiyaha ragga iyo dumarka.
Waxaana jirtay Jibbo iyo Laab lakac weyn oo kacaanku u qabay in uu usoo dhiciyo dumarka xuquuq uu markaa u arkayay inay ka maqantahay.
Arintan iyo sababo kaloo badan oo wakhtigaa jiray ayaa la odhan karaa inay sabab u ahaayeen soo bixidii xeerkan.

[2]  Qodobka 1aad ee xeerkani waxa uu u dhiganyahay sidatan: "xeerkan waxaa loogu dhaqmayaa  waxyaalaha uu kulminayo oodhan, haddii uusan jirin qodob gaar ahaaneed oo ka mid ah waxaa la racaaya araa'da ugu raajixsan mad-habka al-imaamu al-shaafici, kadib mabaadi'da guud ee shareecada islaamka iyo cadaaladda ijtimaaciga ah".

[3]  Qodobka 158aad ee xeerka qoysku wuxuu u dhiganyahay sidatan:" iyada oo la hirgelinayo sida ay dhigayso mabaadi'da guud ee ku qoran xaashida koobaad iyo tan labaad ee kacaanka, dumarka iyo ragga dhaxalka si siman ayaa loogu qaybinaya".

[4] Sida ilaahay (SW) uu inoogu sheegay aayadda 4aad ee suuratu Axzaab:
"وَمَا جَعَلَ أَدْعِيَاءَكُمْ أَبْنَاءَكُمْ ذَلِكُمْ قَوْلُكُمْ بِأَفْوَاهِكُمْ وَاللَّهُ يَقُولُ الْحَقَّ وَهُوَ يَهْدِي السَّبِيل"

[5]  Masruufka qoyska ee ay waajibka tahay in ay wada qeybsadaan ninka iyo naagtu wuxuu ku qeexay xeerku sida ku cad qodobka 30aad ina ay yihiin: "quudka, marashada, adeegga guriga, xanaanada caruurta, kharashka daawada iyo wax allaale iyo wixii lagama maarmaan ah ee qoyska wanaajinaya".

[6]  Qodobka 30aad ee xeerku wuxuu dhiganyahay sidatan: "ninka iyo naagtu way wada qeybsanayaan kharashka guriga iyadoo la tixgalinayo qof waliba wixii soogala, haddii uu midkood aanu awood u lahayn in uu wax ka bixiyo kan kale waxaa waajib ku ah in uu bixiyo kharashka guriga oo dhan".

[7]  Qodobka 16aad ee xeerka waa ku xusan: " qofkasta waxaa u banaan si madax banaan inuu galo heshiis guur marka uu gaaro 18 sano.
Gabadha da'deedu gaarto 16 sano oo aan gaarin 18 sano waxaa u banaan in ay gasho heshiis guur markuu oggolaado waligeeda".
Sidoo kale qodobka 17aad ee xeerku wuxuu sheegaya:" haddi uu diido waligu ogolaanshada gabadha la guursanayo oo da'deedu ay tahay 16sano oo aan gaarin 18 sano, garsooruhu ama qof ey wasaaradda garsoorka iyo arimaha diintu ay ruqsad u siisay ayaa la wareegaya masuuliyaddaas ku saabsan guurka gabadha, wuxuuna tixgalinayaa sida ay gabadhu dooratay".

[8] Shuruudda uu ku xidhay xeerku guursiga naag labaad waxa ay ku xusantahay qodobka 13aad oo u dhigan sidatan: " uma banaana qofku in uu guursado naag labaad isagoo aan ka haysan ruqsad qoran maxkamadda degmada ee awoodda u leh.
Maxkamadduna ma bixin karto ruqsadaas ayadoo aan hubsan in ay jiraan shuruudaha hoos ku xusan:
1.       Marka ay sugnaatay caddeynta guddiga dhakhtarada in ey naagtu tahay ma dhahso , taas oo ku xiran in uusan ninku ogayn guurka ka hor.
2.       In ay jirto warqad dhakhtar oo caddeynaysa in ay naagtu qabto jirro daahday, ama laysku daaran karo (la is qaadsiin karo) oo aan daawo lahayn.
3.       In naagta lagu xukumo muddo ka badan 2 sano oo xarrig ah.
4.       In ay naagtu guriga ka maqnaato sabab la'aan hal sano.
5.       In ay jirto dhibaato la hubsaday oo ka dhalatay deegaan ijtimaaci ah, markaan danbena waxaa kaloo dhiibi kara ruqsadda  qof wasaaradda garsoorka iyo arimaha dinnta idan u siisay arintaas.


8 comments:

  1. Mansha allah waa maqaal aad u wanaagsan

    ReplyDelete
  2. Asc...
    Mudane waxan ahay arday ka bartaya sharciga/qaanunka jamacada hargaysa. sidaa darteed sidaan ku heli karaa buugan "Baro sharciga"

    ReplyDelete
  3. Mahadsanid masuul ilahey hakaa ajar siiyo dadaalkaaga

    ReplyDelete
  4. walal halke laga helaya buugga barashada qaanunnka

    ReplyDelete
  5. Masham Allah wax badan fahmay

    ReplyDelete
  6. Waar ma haysa muuqaalka xeerkan qoyska Lr:23 ee soo baxay 8 maarso 1975kii,

    ReplyDelete
  7. Mahdsanid Garyaqane

    ReplyDelete