Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed
Xeerka
Ciqaabta Soomaaliyeed ee hadda wadanka lagu dhaqmo waxaa lagu ansixiyay Xeer
baarlamaan Lr.5, ee 16kii Diisember 1962, wuxuuna dhaqangalay 3dii Abriil 1964.
Waana
maxsuulkii daraasad muddo soconaysay, Garsoorka Maxakamadaha Soomaalidu waxay
diyaariyeen qoraal gacmeedkii ugu horeeyay ee dib u habaynta xeerka ciqaabta sanadkii 1957, kaasoo ku salaysnaa xeerkii dhaqan galka ka ahaa koonfurtii
Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray oo lagu sameeyay fududayn badan oo la
xiriira dhaqanka Soomaalida iyo caadooyinka gudaha, isla markaana la siiyay
nidaam cusub oo saamaynaysa Dembiga iyo ciqaabtaba.
Laakiin
curintaas lama sii dabagelin, iyadoo ay ka hor yimaadeen caqabado dhawr ah oo u
badan arrimo siyaasadeed.
Laakinse
wax yar uun ka dib madaxbaanidii Soomaaliya iyo is raacii labada Gobol ee Koonfur iyo Woqooyi, waxaa dib u bilowday
isku dayadii iyo midayntii hawlihii sharci dejineed ee dalka, waxaana la
dedejiyay intii u dhexaysay dhamaadkii 1961 iyo bilawgii 1962, dedejintaas oo
uusan hadafkeeda keliya ahayn in si buuxda loo dhaqan geliyo ma’baadiida
dastuurka, balse ay ku jirtay in la mideeyo labadii nidaam qaanuuneed ee lagaga
kala dhaqmayay Woqooyiga iyo Koonfurta oo si ku meel gaara loogu daayay ku sii
shaqaynta labadooda nidaam qaanuuneed sida uu jideeyay “Axdigii midawga” ee 31
janaayo 1960, iyadoo dhaqan galkoodu ku xadidnaa dhulalka ay khuseeyeen.
Si taas salka ku haysa waxaa la ansixiyay Xeer lr. 5, 30kii Jenaayo 1962, kaas oo loogu igmaday Xukuumada xeerka ciqaabta, xeerka habka ciqaabta iyo xeerka nidaamka garsoorka.
Iyadoo
xeer lr.5 la raacayo waxaa la saaray guddi gaara oo aqoonyahano sharci ah oo
soo diyaariya Xeerarka kor ku xusan.
Gudigaasina
wuxuu ka koobnaa xubno baarlamaan iyo khabiiro, waxaana ku jiray dhammaan
xubnihii guddiga gaarka ahaa ee garyaaqanada.
Guddiga
garyaqaanada ah waxaa lagu sharfay in uu gudoomiyo “Renato Angeloti”, oo ahaa Barre
Jaamacadeed oo khabiir ku ah qaanuunka ciqaabta, buuggaag badana ka qoray.
waxayna
diyaariyeen qoraal Talyaani ah iyo mid Ingiriisi ah oo ah Buuga I (Dembiyada
guud ahaan), Buugga II (Dembiyada gaar ahaan) iyo Buugga III (Gefafka ama
Khilaafaadka gaar ahaan).
Goormaa Qofka Lagu Sii Deyn karaa Damaanad? Guji Halkan
Goormaa Qofka Lagu Sii Deyn karaa Damaanad? Guji Halkan
Xeerkani
wuxuu ahaa mid salka ku haya Dastuurkii waqtigaa ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed,
dhaqanka ummadda Soomaaliyeed iyo weliba Diinta Islaamka (walow ay jirto in uu qodobo dhawr ah ku khilaafsanyahay shareecada); sidaas ayuuna xeerkii
cusbaa ee Ciqaabtu ku dhaqan galay; kaas oo markii ugu horaysay ku soo baxay
afka Talyaaniga, balse waqtiyo danbe loo tarjumay afafka Ingiriisiga, Carabiga iyo Soomaaliga.
Wuxuuna
ka koobanyahay Xeerkani 565 qodob.
Dhaliilaha Xeerka Ciqaabta:
Dadka dhaliila Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed
dhaliilaha ay usoo jeediyaan waxaa ka mid ah inuu yahay xeer cilmaani ah, oo
meesha ka saaray ciqaabti ay shareecadu u dajisay danbiyo badan, kuna badalay
ciqaab wadciya oo aan ahay tii shareecadu qabtay, isagoo sidoo kale baneeyay
fududaynta danbiyada ay shareecadu ka waajibaysay Xuduudda, kuna badalay marar
badan Xabsi ama Ganaax, sidoo kale isagoo qaatay siyaasadda ah in ciqaabtu ay
noqoto xabsi ama ganaax halka ay shareecaddu ay qabto in ciqaabtu ay noqoto
ciqaab jidheed.
Iyadoo
ay jirto in xeerkani uu danbi ka dhigay lana dagaalamay dhaqamada xun xun sida
sakhradda,dhilaysiga,tuuganimada iyo wixii la mid ah, hadana uma cuskan danbi
noqoshadooda inay xaaraantimaysay shareecadu ee wuxuu u cuskaday inay tahay uun
wax kasoo horjeeda dhaqanka soomaalida.
Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Pdf
Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Word
Nuqulka Afka Carabiga ahna Halkan Ka Dejiso
Halkan ka dejiso Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo Pdf iyo Word ah:
Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Pdf
Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Word
Nuqulka Afka Carabiga ahna Halkan Ka Dejiso
W/Q: Khaalid Jaamac Geelle
Sidoo Kale Sii Akhri:
0 التعليقات:
Post a Comment