Sooyaalka Taariikheed ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Sooyaalka Taariikheed ee Xeerarka Ciqaabta Soomaaliyeed

Sooyaalka Taariikheed ee Xeerarka Ciqaabta Soomaaliyeed


 Xeerka Ciqaabta soomaaliyeed wuxuu soo maray  sadex marxaladood oo kala ah:

1-     Xilligii Gumeystaha ka hor
2-     Xilligii Gumaystaha.
3-     Xilligii Xorriyadda ka dib.

Xilligii Gumeystaha Kahor:


Intaan gumeystihii iyo saancadaalihii reer yurub soo caga dhigan dalka, wadanka kama jirin dawlad iyo nidaam baahsan oo dalka oo dhan wada xukuma, iyadoo ay jirto in meelaha qaar ay ka jireen boqortooyooyin yaryar oo u dhisnaa hab qabiil ama hab deegaan oo ku koobnaa qabiilkaas ama deegaankaas oo keliya.

Laakinse taasi kama dhigna in aan soomaalidu lahayn sharci iyo Xeerar ay ku kala baxdo, ee Soomaalidu sida bulshooyin ka kale ee dunida ku nool ayay lahaayeen dhaqan u gaar ah iyo xeerar dhaqameedyo ay u xukun tagaan kuna kala baxaan hadii is qabad yimaado.
Xeerarkaasi waxay ahaan jireen kuwa aan qornayn, hase ahaate kama duwanayn kuwa qoran, shey walibana wuxuu lahaan jiray qodob u gaar ah oo lagu qaado marka uu yimaado,wax walibana waxay lahaan jireen xeer u gaar ah.
Xeerarkaasna waxaa goyn jiray odayada iyo waxgaradka markaas talada bulshada gacanta ku haya, waxaana lagu goyn jiray xeerka shirwayne ay ka soo qayb galaan dadwaynaha deegaankaas oo dhami.

Soomaalidana falalka danbiyada ah waxaa uga degsanaa xeerar ay ku kala baxaan, laakinse xeerarkaasi ma aysan lahayn ciqaab ee waxa ay lahaayeen magdhow keliya, xeerarkaasina inta badan waxa ay ahaan jireen kuwa kasoo maaxday maskaxda odayada iyo xeerbeegtida ee ma ahayn kuwa shareecada islaamka laga soo dheegtay, waxaynuna tusaale usoo qaadan karnaa qofka tuugga ah ee wax xada, xeerkii hore ee soomaalidu malahayn qofkaasi wax ciqaab jidheed ah oo la saaro, taariikhda soomaalidana meelo aad u yar oo dhif iyo naadir ah ayaa lasoo wariyaa in qof tuug ah gacanta la gooyay[1], laakinse xeerarkoodu waxa ay kaliya ku koobnaayeen ciqaab Hantiyeed oo qofka la saaro iyo in magdhow laga qaato, qof ka tuugga ahina waxaa lagu xukumi jiray in uu bixiyo sadex laab ilaa tobon laab hantidii uu xaday, qofka qof dumara kufsadana waxa ay soomalidii hore ka xukumi jireen oo xeer uga yaalay, haddii qofta dumari ay tahay gabadh aan wali la guursan in uu bixiyo 10 halaad oo geela, hadii ay tahay qof la qabo ama guur hore soomartayna in uu bixiyo 5 halaad oo geel ah, oo ah magdhowgii kufsiga, isagoo aan wax ciqaab ah la marsiin kii wax kufsaday ee uu bulshada sidiisi ugu sii dhex noolanayo.

Xilligii Gumaystaha:


Xiligii gumaystuhu dalka soo galay waxaa uu soo rogay oo bulshadii soomaaliyeed ku qasbay in ay u hogaansamaan sharciyadiisi, wuxuuna sameeyay maxkamaddo dadka lagu soo eedeeyo danbiyada kala duwan lagu xukumo, iyo xabsiyo dadka la xukumo lagu hayo.

     Waa Maxay Xeerka CiqaabtuGuji Halkan

Xilligii xoriyadda la qaatay iyo kadib:


Markii dalku xorriyadda qaatay ee ay midoobeen labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur, waxaa waddanka sidii uga sii hirgalsanaa oo looga sii dhaqmayay haraadigii ka hadhsanaa xeerarkii ciqaabta ee gumaystuhu ka tagay, ilaa uu kasoo baxayay xeerka ciqaabta soomaaliyeed.

Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee hadda wadanka lagu dhaqmo waxaa lagu ansixiyay Xeer baarlamaan Lr.5, ee 16kii Diisember 1962, wuxuuna dhaqangalay 3dii Abriil 1964.
waana maxsuulkii daraasad muddo soconaysay, Garsoorka Maxakamadaha Soomaalidu, waxay diyaariyeen qoraal gacmeedkii ugu horeeyay ee dib u habaynta xeerka ciqaabta, sanadkii 1957, kaasoo ku salaysnaa xeerkii dhaqan galka ka ahaa koonfurtii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray oo lagu sameeyay fududayn badan oo la xiriira dhaqanka Soomaalida iyo caadooyinka gudaha, isla markaana la siiyay nidaam cusub oo saamaynaysa Dembiga iyo ciqaabtaba.
Laakiin curintaas lama sii dabagelin, iyadoo ay ka hor yimaadeen carqalado badan oo u badan arrimo siyaasadeed.

Wax yar uun ka dib madaxbaanidii Soomaaliya iyo is raacii labada Gobol ee  Koonfur iyo Woqooyi, waxaa dib u bilowday isku dayadii iyo midayntii hawlihii sharci dejineed ee dalka, waana la dedejiyay intii u dhexaysay dhamaadkii 1961 iyo bilawgii 1962, dedejintaas oo uusan hadafkeeda keliya ahayn in si buuxda loo dhaqan geliyo ma’baadiida dastuurka, balse ay ku jirtay in la mideeyo labadii nidaam qaanuuneed ee lagaga kala dhaqmayay Woqooyiga iyo Koonfurta oo si ku meel gaara loogu daayay ku sii shaqaynta labadooda nidaam qaanuuneed sida uu jideeyay “Axdigii midawga” ee 31 janaayo 1960, iyadoo dhaqan galkoodu ku xadidnaa dhulalka ay khuseeyeen.

Si taas salka ku haysa waxaa la ansixiyay Xeer lr. 5, 30kii Jenaayo 1962, kaas oo loogu igmaday Xukuumada xeerka ciqaabta, xeerka habka ciqaabta iyo xeerka nidaamka garsoorka.
Iyadoo xeer lr.5 la raacayo waxaa la saaray guddi gaara oo aqoonyahano sharci ah oo soo diyaariya Xeerarka kor ku xusan.

Gudigaasina wuxuu ka koobnaa xubno baarlamaan iyo khabiiro, waxaana ku jiray dhammaan xubnihii guddiga gaarka ahaa ee garyaaqanada.
Guddiga garyaqaanada ah waxaa lagu sharfay in uu gudoomiyo “Renato Angeloti”, oo ahaa Barre Jaamacadeed oo khabiir ku ah qaanuunka ciqaabta, buuggaag badana ka qoray.
waxayna diyaariyeen qoraal Talyaani ah iyo mid Ingiriisi ah oo ah Buuga I (Dembiyada guud ahaan), Buugga II (Dembiyada gaar ahaan) iyo Buugga III (Gefafka ama Khilaafaadka gaar ahaan).

Xeerkani wuxuu ahaa mid salka ku haya Dastuurkii waqtigaa ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, dhaqanka ummadda Soomaaliyeed iyo weliba Diinta Islaamka; sidaas ayuuna xeerkii cusbaa ee Ciqaabtu ku dhaqan galay; kaas oo markii ugu horaysay ku soo baxay afka Talyaaniga, balse waqtiyo danbe loo tarjumay afafka Ingiriisiga, Carabiga iyo Soomaaliga.


Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Wuxuu ka koobanyahay 565 qodob.

           W/Q: Khaalid Jaamac Geelle


Xogtan oo Dhamaystiran waxaad ka heli karaysaa Buugayga Qaanuunka Ciqaabta Guud.



[1] Qoraha buugga xeer soomaaligii hore: axmed shiikh cali (buraale) wuxuu xusay in magaalada boosaaso ee magaala madaxda gobolka bari, in waa hore dad wax xaday oo tuugo ahaa gacanta laga gooyay, iyadoo la raacayo shareecada islaamka. Eeg Buugga Xeer Soomaaligii Hore Bogga: 32aad.

0 التعليقات:

Post a Comment