Waa Maxay Qaanuunka Dawliga ah

Qaanuunka Dawliga ah ee Guud

(Puplic International Law)

 

       Qeexidda Qaanuunka Dawliga ah ee Guud:


Aqoonyahanada qaanuunku intooda badani waa isku maan dhaafsan yihiin qeexidda qaanuunka dawliga ah, iyagoo dhinacyo kala duwan ka fiirinaya, khilaafkoodaasina wuxuu gunta ku hayaa laba mad-hab oo aqoonyahanada qaanuunka dawliga ahi kala qaateen, mad-habka hore oo ay qabaan aqoonyahanadii hore ee noolaa qarnigii 18aad iyo 19aad xiligaas oo qaanuunka dawliga ahi uu quseeyay dawladaha oo kaliya oo aanay jirin hay'ado dawli ah oo madax banaan, aqoonyahanadii mad-habkaasina waxay ku qeexeen qaanuunka dawliga ahi inuu yahay: "Qaanuunka nidaamiya xidhiidhka ka dhaxeeya dawladaha".

Kadib markii ay soo baxeen hay'ado dawli ah oo ka madax banaan dawladaha qaanuunkanina uu noqday qaanuunka ay soo hoos galayaan waxaa aqoon yahanadii qarnigii 20aad ku qasbanaadeen inay qeexistisa wax  ku daraan waxayna ku qeexeen qaanuunka dawliga ahi inuu yahay: "wadarta qodobo qanuuneedka nidaamiya xidhiidhada dhexmaraya dadka dawliga ah(Subjects of international law)"[1].
Waxaana xusid mudan in ereyga Dadka dawliga ahi uu koobsanayo Dawladaha iyo Hay'adaha Dawliga ah.
Madhabkaas danbe iyo qeexidiis ayaana ah ta hadda ka dhaqan gashay dunida.


Xeerka Qoyska Soomaaliyeed Guji Halkan

       Qaanuunka Dawliga ahi Muxuu Nidaamiyaa:


Mawduuca uu qaanuunka dawliga ah ee guudi falanqeeyana waxa aynu kusoo koobi karnaa:

1. Qawaacidda xadida canaasirta ay dawladi ka unkanto, si ay u yeelato shakhsiyad dawli ah looguna aqoonsado in ay tahay xubin ka mid ah mujtamaca dawliga ah, sidoo kale waxa u cadeeyaa noocyada/jaadadka maamul ee uu noqonayo habka nidaamka maamul ee dawladuhu, boqortooyo sii daysan, boqortooyo dastuuri ah, jamhuuriyad iyo nidaam diktaatoori ah, sidoo kale wax marka la eego dhanka madax banaanida siyaasadeedna waxaa loo qaybiyaa sadex qaybood oo kala ah: dawlad leh madaxbanaani buuxda, dawlad leh madaxbanaani dhiman iyo dawlad dhexdhexaad ah.

2. Qawaacidda nidaamiya xidhiidhka dhexmaraya dawladaha xilliga nabada, isagoona cadeeya xuquuqda dawladdu ay ku leedahay mujtamaca dawliga ah kuwaas oo ah: Xaqqa Xoriyadda iyo Madax banaanida, Xaqqa Sinaanta Dawladaha, Xaqqa Jiritaanka iyo Xaqqa Iswaydaarsiga Ixtiraamka, sidoo kale waxa uu cadeeyaa waajibaadka dawladda ka saaran mujtamaca dawliga ah, waajibaadkaas oo ay ka mid yihiin: Xalinta Khilaafaadka Dawliga ah si Nabadeed, Bixinta Caawimaadda Qaramada Midoobay, in aan la fara galin arimaha dawladaha kale iyo Ixtiraamka Xuquuqda Aadanaha. Sidoo kale qaanuunka dawliga ah ee guudi waxa uu lafaguraa qawaacidda xidhiidhka dublamaasiyeed, iyo xasaanadda ay leeyihiin dublamaasiyiintu, sidoo kale waxa uu nidaamiyaa heshiisyada iyo axdiyada dawliga ah ee dhexmara qaramada, isagoona cadeeya wadooyinka loo marayo xalinta khilaafaadka soo kala dhexgala dawladaha, xalinta khilaafaadkaasi ha noqoto mid dhexdhexaadin ku timi ama mid ku timi iyadoo garsoorka dawlagi ahi uu ka garnaqay.

3. Qaanuunka dawliga ah ee guudi waxa oo kale oo uu nidaamiyaa xidhiidhka ka dhexeeya dawladaha xiliyada colaadaha, isagoona cadeeya xuquuqda iyo waajibaadka dawladaha colaaddu ka dhex oogan tahay, iyo goorma ayuu dagaal bilaabi karaa goorme ayuuse dhamaan karaa, hubkee banaan in dagaalada lagu isticmaalo hubkeese ay xayirantahay isticmaalidiisu, sidee loola dhaqmayaa maxaabista iyo dhawaacyada dagaalka, sidoo kale xuquuqda iyo waajibaadka ka saaran dawladaha dhexdhexaadka ah dawladaha colaadu ka dhex oogan tahay.

4. Qaanuunka dawliga ah waxaa kale oo ku jira qawaacid iyo qodobo ku tacaluqa hay'adaha dawliga ah, kuwaas oo nidaamiya qaabka ay ku abuurmi karaan hay'adaha dawliga ah iyo kuwa goboleedba, iyo xidhiidhka ka dhaxaynaya dhexdooda ama ay la yeelanayaan dawladaha, sidoo kale isagoo cadeynaya ikhtisaasaadka iyo shaqooyin ay hay'adahaasi qabanayaan[2].

Hay'adahaasna waxaa ugu tun weyn hay'adda qaramada midoobay, taas oo ka kooban 6 waaxood oo waaweyn oo kala ah:
·        Golaha Guud ama Golaha loo dhanyahay
·        Golaha Amaanka
·        Golaha dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.
·        Golaha Wisaayada
·        Golaha Xoghaynta Guud
·        Maxkamadda Cadliga Dawliga ah.

Sidoo kale hay'dahaas waxaa ka mid ah urur goboleedka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururka ay ku bahoobeen wadamada saliidda dhoofiya ee magiciisa loo soo gaabiyo OPIC.


    Waa Maxay Xeerka Ciqaabta SoomaaliyeedGuji Halkan 

       Ilaha Qaanuunka Dawliga ah:


Ilaha qaanuunka dawliga ah waa halka ama wadada rasmiga ah ee ay kasoo abuurmaan qodobada qaanuunka dawliga ahi, kana helaan astaanta iyo awoodda qaanuuneed, haddii aan si kale u dhahno waa isha aynu kasoo dhuran karno qodobada qaanuunka dawliga ah, in aynu jaangoyno ilaha qodobada qaanuunka dawliga ahina waxay ka dhigantahay in aynu garsooraha u tilmaamno meesha uu kasoo dhalaalin karo ama uu kasoo xogmiiran karo go'aanka iyo xukunka ay waajibka ku tahay in uu kasoo saaro ama ka qaato muranka hortiisa yaalla ee uu ka garnaqayo.

Qawaaniinta gudeed ee dawladaha dhexdooda lagu dhaqo marka la joogo garsooraha waa u fududahay in uu ogaado ilaha uu cuskan karo xukunkiisa iyo go'aankiisa oo waaxda sharci dejinta dalka ayaa cadaysa ilaha kaliya ee garsooruhu u cuskan karo xukunkiisa, laakiinse marka la joogo qaanuunka dawliga ahi arintu intaas waa ka adagtahay waana ka duwantahay, taasna waxaa sabab u ah qaanuunka dawliga ahi wuxuu ku dhisanyahay raali ahaanshaha guud ee dawladaha iyo rabitaankooda, waxaana iska caadi ah in ay kala duwanaato wadooyinka ay dawladuhu ku cabiraan raali ahaanshiyoohada.

Qodobka 38aad ee Axdigii lagu unkay Maxkamadda Cadliga Dawliga ahi wuxuu u qaybiyay ilaha qaanuunka dawliga ah laba qeybood oo kala ah: ilo asaasi ah iyo kuwa aan asaasi ahayn oo la kaashado hadii la waayo kuwa asaasiga ah.

ilaha asaasiga ah ee qaanuunka dawliga ahi waxay ka koobanyihiin:
-          Heshiisyada Dawliga ah.
-          Caadooyiinka iyo Curfiga Dawliga ah.
-          Mabaadi'da Guud ee Qaanuunka.

Ilaha aan asaasiga ahayn ee qaanuunkuna waa kuwa la kaashado marka lawaayo ilaha asaasiga ah waxayna ka koobanyihiin:
-          Go'aamadda iyo Axkaamta kasoo baxay maxkamadaha.
-          Madaahibta iyo afkaarta aqoonyahanada waaweyn ee qaanuunka dawliga[3].

       Qeybaha Qaanuunka Dawliga ah:

Qaanuunka Dawliga ahi wuxuu leeyahay faracyo dhawr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin:
v Qaanuunka Dawliga ah ee Badaha (International Maritime Law).
v Qaanuunka Dawliga ah ee Duulista Hawadda (International Air Navigation Law)
v Qaanuunka Dawliga ah  Bini-Aadminida (International Humanitarian Law)
v Qaanuunka Dawliga ah ee Dhaqaalaha (International Economic Law)
v Qaanuunka dawliga ah ee Xuquuqda Aadanaha ( International Human Rights Law)
v Qaanuunka Dawliga ah ee Deegaanka (International Environmental Law)

  Waa Maxay Xeerka Madaniga SoomaaliyeedGuji Halkan

       Qaanuunka Dawliga ahi ma Leeyahay Sifo Sharciyeed?


Aqoonyahanadda qaanuunka qaar ka mid ihi waxay dafirsan yihiin in qaanuunka dawliga ahi uu leeyahay sifo qaanuuneed iyo awood sharciyeed iyagoona ku andacoonaya in aanu qaanuunkani lahayn shuruudii loo cuskan jiray qodobada qaanuuneed kuwaasoo ahaa:
-          Inay jirto awood sharci dejin oo soo saarta qodobada qaanuuneed.
-          Inay jirto awood garsoor oo fulisa qodobada kasoo baxa golaha sharci dejinta.
-          Inay jirto abaal marin ciqaabeed oo la marsiiyo ciddii khilaafta qodobaddaa qaanuuneed.

Waxayna dhaheen qaanuunka dawliga ahi sadexdaa midna malahan ee sidee buu ku qaadan karaa sifo sharciyeed kuna noqon karaa qaanuun loo hogaansamo mar hadii aanu lahayn awood sharci dejineed oo soo saarta, aanuna lahayn awood garsoor oo dabaqda sharcigan qodobadiisa, aysanna jirin ciqaab lagu abaal mariyo cidii khilaafta qodobadiisa.

Aqoonyahanadda sidaa ku doodayana waxaa ka mida: John Austin (1790–1859) oo ingiriis ahaa, Georg Jellinek (1851 –1911) oo jarmal ahaa[4].

Jawaabta doodoodaas waxaa lagu soo ururin karaa:

1. Jiritaan la'aanta awood sharci dejineed kama dhigayso qanuunka dawliga ah mid aan lahayn sifo qaanuuneed, waayo ma ahan sharci dejinta oo kaliya ilaha laga soo qaato qaanuunka ee waxaa jira ila kale oo la isku raacsanyahay in laga soo qaadan karo qodobada qaanuunka kuwaas oo ay ka mid yihiin curfigu, kaas oo wali ah qaanuunka kaliya ee lagu xukumo wadamada dunida hormartay qaarkood sida ingiriiska oo kale oo aan lahayn dastuur qoran.

2. Jiritaan la'aanta garsoor dabaqa oo dhaqangaliya qodobada qaanuunka dawliga ahi wax saamayn ah ku yeelan mayso jiritaankisa iyo lahaanshihiisa sifo sharciyeed toona, waayo shaqada garsooruhu waxay ku egtahay oo kaliya dhaqan gelinta sharciga ee isagu wax shaqo ah kuma lahan samaynta iyo jirsiinta sharciga, qaanuunka ayaana ka horeeyay garsooraha oo marka la helo qaanuun ayaa garsoore dabaqa loo baahdaa, qaanuunkuna inuu sifo sharci leeyahay iyo in kale kama sugo garsooraha.

Sidoo kale qaanuunka dawliga ahi wuxuu leeyahay hay'ado garsoor oo dhaqan galiya qodobadiisa, waxaana ka mid ah hay'adahaas Maxkamadda Cadliga Dunida (ICJ) ee la dhisay 1945kii, Maxkamadda Danbiyada aduunka (ICC) ee la dhisay 1998dii, iyo Maxkamadihii gaarka ahaa ee loo qabtay dhacdooyin gaar ahaa sida maxkamaddii Tookiyo ee sanadkii 1946dii[5], maxkamaddii Nürnberg  ee sanadkii 1945kii[6],maxkamadda danbiyadii Yuguslaafiya iyo maxkamaddii danbiyada Ruwaanda.

3.Jiritaan la'aanta ciqaab la marsiiyo ciddii khilaafta qaanuunka dawliga ahi ka dhigi mayso mid aan la hayn sifo sharciyeed, waayo ujeedada ciqaabta loo sameeyay waa in si haboon oo wanaagsan loo dabaqo loona ixtiraamo qodobka qaanuuneed, uuna noqdo mid laga haybaysto,ciqaabtuna waxay timaada markii la helo qodob lagu xad gudbay, mana haboona in la isku khaldo isha ay ka imaanayso waajib noqoshada in la raaco sharciga oo qaanuunka ah iyo wadadii keenaysay in si hufan oo haboon loo dabaqo sharciga, qaanuunkuna markasta waajiraa walow wadadii ilaalin lahaydna haba noqoto mid jilicsan oo liidatee.

Qaanuunka dawliga ahina kama madhna ciqaab la'aan ee wuxuu leeyahay ciqaab la marsiiyo  cidii khilaafta qodobadiisa sida in lagu ciqaabo:

·        Ciqaab macnawi ah sida canaanta, dhaleecaynta iyo canbaaraynta oo kale.
·        U jarista xidhiidhka dublamaasiyeed.
·        In laga joojiyo xaqqa coddeynta ee ay ku leedahay dawladdaasi hay'adaha caalamiga ah, ama laga saaro xubinimadii ay mid ahayd hay'adahaas,ama u diidista ka qaybgalka shirarka caalamiga ah.
·        In la saaro go'doomin dhaqaale iyo cunaqabatayn siyaasadeed.
·        In lasoo taago maxkamad ciddii danbi lagu helo, ha noqot ciddaasi  qof caadi  ah ama qof leh shakhsiyad qaanuuneed, kuwaas oo lagu soo eedeeyo inay galeen danbiyo ka dhan ah bini aadminimada ama gaysteen xasuuq wadareed ama danbiyo dagaal, sidii loo maxkamadeeyay dadyawgii lagu eedayay falalkii ka dhacay yuguslaafiyadii hore iyo danbiyadii loo gaystay shacab waynihii reer ruwaanda[7].

Wax yaalaha kale ee sii adkeynaya in qaanuunka dawliga ahi uu leeyahay sifo sharci waa aqbalidda ay aqbaleen dawladuhu inay u hogaansamaan kuna dhaqmaan iyagoona ku xusay dastuuradooda in ay ixtiraamayaan una hogaansamayaan, dastuurka soomaaliya ee ku meel gaarka ah soona baxay 2012 sidaas oo kale ayuu ku xusay qodobkiisa 3aad faqradiisa 4aad.



           W/Q: Khaalid Jaamac Geelle


            Xogtan oo Dhamaystiran ugu laabo Buugga Barashada Cilmiga Qaanuunka.





[1]( Fiiri: Malcolm Evans, international law, oxford 2006, 2nd Ed, P.57
[2] Fiiri:  Louis Henkin – others, International law, west publishing co. 1993, p. 42
[3] Faahfaahin dheeri ah waxaad ugu noqotaa buugga Qaanuunka Dawliga ah ee Guud ee uu qoray Khaalid Geelle Page 35aad- 69aad.
[4]د . محمد يوسف عموان: " القانون الدولي العام- المقدمة و المصادر" ط 3، دار وائل لمنشر، عمّان- الأردن 2007 ،
ص:.28
[5])Maxkamaddii Tokyo waxay ahayd maxkamad lagu dhisay go'aan kasoo baxay Janaraal Douglas MacArthur kaasoo hogaaminayay dawladihii huwanta ahaa ee ka guulaystay Jabaan, waxayna maxkamaddu ka koobnayd 11 garsoore oo kala matalayay dawladihii la dagaalamay jabaan, waxaana maxkamadda lasoo taagay in badan oo ka mida saraakiishi hogaaminaysay Jabaan iyagoo lagu eedaynayo inay gaysteen danbiyo ka dhan ah bini aadnimada iyo danbiyo dagaal, waxayna isku difaaceen saraakiishaasi in aan lagu ciqaabi karin waxaan sharcigu danbi u aqoon sanayn xilligii ay galayeen oo aanaysan jirin qodob sicad danbi uga dhigaya falka ay ku kaceen xiligii ay samaynayeen laakinse cidina warkooda dhag jalaq uma siinin ee waxaa lagu xukumay in badan oo kamida dil toogasho ah.
[6]) maxkamaddii Nürnberg waa maxkamaddii lasoo taagay saraakiishii naasiyiinti Jarmalka markuu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunka waxayna bilibaatay maxkamadani 20kii Noofeembar 1945tii iyado socotay ilaa 1 oktoobar 1946dii, waxaana lasoo taagay wax ka badan 200 oo sarkaal, kuwaas oo ka mid ahaa saraakiishii xisbigii naasiga, badankoodina waxaa lagu xukumay dil iyo xabsi daa'in, waxaana maxkamadda garsoore ka ahaa 4 garsoore oo ka kala socday Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska iyo Midowgii Soofiyeeti. 
[7]) د . محمد يوسف عموان، مرجع سابق، ص :29.

3 comments:

  1. buugani (Buugga Barashada Cilmiga Qaanuunka.) ma afsoomaalibaa?
    maxamed adan

    ReplyDelete