Heshiisyada Caalamiga / Dawliga ah
Heshiisyada dawliga waxay door muhiim ah ka qaateen
samaysanka iyo abuuranka qodobada qaanuunka dawliga ah, waxaana lagu tiriyaa in
ay yihiin isha ugu muhiimsan ee qaanuunka dawliga ahi uu kasoo unkumo, nidaamka
asaasiga ah ee maxkamadda cadaaladda aduunkuna (ICJ) marka uu taxayay
masaadirta iyo ilaha qaanuunka dawliga ah wuxuu ka dhigay heshiisyada dawliga
ah isha iyo saldhigga u horeeya uguna muhiimsan ee uu leeyahay qaanuunka
dawliga ahi, waxaana lagu tiriyaa heshiisyada dawliga ahi in ay maanta yihiin
lafdhabarta qaanunka dawliga ah iyo isha ugu muhiimsan uguna muuqaalka dheer, taas
oo ay keentay in ay yartahay khilaafka iyo muranka hadhow ka dhalan kara heshiisyadaas,
waana wadada ugu muhiimsan ee maanta ay dawladuhu ku cabiraan rabitaankooda.
Bulsho weynta duniduna waqti horeetaba waxay u aqoonsatay
heshiisyadu in ay yihiin wadada koobaad ee xidhiidhka dhexmari kara dawladaha,
isticmaalka heshiisyaduna wuxuu sii xoogaystay kor u kac weyna sameeyay
ilaa uu ku dhawaaday in uu noqdo wadada kaliya ee ay kuwada xidhiidhi karaan
laba dawladood wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee dunida, xiligaas oo
dawladaha dunidu dhamaantood ama badankoodu ay wada saxiixeen heshiisyo waaweyn
oo dunida korkeeda saameyn weyn ku yeeshay, sida Axdigii Qaramada Midoobay (Charter
of the United Nations), Heshiiskii Fiyeena ee Xidhiidhka Dublamaasiyeed (Vienna
Convention on Diplomatic Relations) heshiisyadii qaanuunka badaha (United
Nations Convention on the Law of the Sea) ee 1982dii .
Mujtamaca dawliga ahina wuxuu bilaabay in uu dejiyo
sharci iyo qaanuun nidaamiya heshiisyada dawliga ah sanadkii 1969kiina waxaana sanadkaa soo baxay Axdigii Fiyeena ee qaanuunka heshiisyada dawliga ah (Vienna
Convention on the Law of Treaties) .
Qeexidda Heshiisyada Dawliga ah:
Qodobka 2aad ee Heshiiskii Fiyeena ee gundhiga u noqday
qaanuunka heshiisyada dawliga ah ee
sanadkii 1969kii wuxuuu ku qeexay heshiiska dawliga ah in uu yahay:
"heshiis qoraal ah oo dhexmara laba
dawladood ama ka badan, kaas oo hoos imaanaya qaanuunka dawliga ah, haku
qornaado hal dhukumiinti ama wax ka badan oo isku xidhan, magacuu doonana ha
wato"[1].
Waxaa inooga cadaanaya qeexidaas kore ee aynu soo xusnay
in heshiiska dawliga ahi uu u koobsanayo si asaasi ah unugyadan soo socda:
-
Heshiisku in uu yahay mid dhex maray laba
dhinac oo ka mida dadka qaanunka dawliga ah (Subject of international Law)[2].
-
Heshiiskaasi in uu yahay mid qoran.
-
Heshiiskaasi in uu yahay mid hoos imaanaya
qawaacidda iyo qodobadda qaanuunka dawliga ah.
-
Ujeedada heshiisku in uu yahay in uu dhaliyo
raad qaanuuneed.
1. Heshiisku in uu yahay mid dhex maray laba dhinac oo ka mida dadka qaanunka dawliga ah:
Heshiisku waa in uu noqdaa mid dhexmaray laba dhinac oo
mid kastaayiba uu ku leeyahay qaanuunka dawliga ah shakhsiyad qaanuuneed,
laakinse hadii uu heshiisku yahay mid dhexmaray dawlad iyo shirkad caalami ah
oo jinsiyada badan (Multinational Companies), heshiiskaas looma aqoonsanayo in
uu yahay heshiis dawli ah, waayo shirkadaha caalamiga ah ee jinsiyadaha badani
kama mid ahan dadka qaanuunka dawliga ah, mana kulahan qaanuunka dawliga ah
shakhsiyad qaanuuneed, mabda'aasi waa ka ay qaadatay Maxkamadda Cadliga Dawliga
ah (ICJ) markii ay ka garnaqaysay dacwadii u dhaxaysay dawladda Iiraan iyo Ingiriiska
ee ku saabsanaa heshiiskii dhexmaray
shirkadda Anglo-Iranian Oil Company (AIOC) iyo dawladii Iiraan sanadkii
1933dii taas oo ay ku doodaysay dawladda Ingiriisku in uu heshiisku ahaa
heshiis dhexmaray labada dawladood, halka Iiraana ay ku doodaysay in heshiisku
uu yahay heshiis dhexmaray dawlad iyo shirkad ajnebi ah, go'aankay maxkamaddu
qaadatayna u ahaa in heshiiskaasi aanu ahayn heshiis dawli ah ee uu yahay
heshiisksaasi mid dhexmaray dawlad iyo shirkad ajnabi ah aanuna yeelanaynin
sifo heshiis dawli ah.
Waa Maxay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed? Guji Halkan
2. Heshiisku waa in uu yahay mid qoran:
Sidoo kale heshiiska dawliga ahi waa in uu noqdaa mid
qoran sida ku xusan Heshiiski Fiyeena 1969kii qodobkiisa 2aad, laakinse
qoritaan la'aanta heshiisku ma ahan mid saamaynaysa awoodiisa qaanuuneed, sidaasna
waxaa ayiday oo xoojiyay Maxkamadda Cadliga Dawliga ah markii ay ka garnaqaysay
dacwaddii greenland ta bari ee ay dhinacyada ka ahaayeen Denmark iyo Norway,
ayna usoo gudbisay Denmark maxkamadda codsigeedi ahaa in ay maxkamaddu ku
xukunto sharci darrada sheegashada Norway ay sheegatay sanadkii 1931kii in ay
greenland ay tahay qayb ka mida dhulkeeda, iyadoo Norway u cuskatay
dacwadeedaas in wasiirkii arimaha dibadda Norway uu cadeeyay ogolaadayna
sanadkiii 1919kii in hawlaha ay ka wado dawlada Denmark greenland aysan wax
caqabada kala kulmayn dhanka Norway, ayna ku ixtiraamayaan u madaxbanaanida Denmark
greenland, waxayna Maxkamaddu ka gaartay go'aan ah in balanqaadka afeed ee uu
sameeyay wasiirka arimaha dibada Norway isagoo wadankiisa ku matalaya xilli uu
ku jiro wadahadalo dublamaasiyeed ee uu la leeyahay dawlad kale in ay
dawladdaas qasab ku tahay heshiiska wasiirkoodaas arimo dibadeed usoo gooyay
walow yaanayba ahaanin kuwa qorane.
3. Heshiisku waa in uu ahaadaa mid hoos imaanaya qawaacidda iyo qodobadda qaanuunka dawliga ah:
Qodobkanina wuxuu meesha ka saaraya dhamaan heshiisyada
aan hoos imaanayn qaanuunka dawliga ah taas oo dhexmarta dadka qaanuunka dawliga
ah sida heshiisyada dhexmara laba dawladood ee ay ku kala iibsadaan dhisme ku
yaal labada dawladood midood ama heshiisyada ay dawladi ugu ogolanaayso in ay
dawlad kale ka faaidaysato qayb dhulkeeda ka mida.
4. Ujeedada heshiisku in uu yahay in uu dhaliyo raad qaanuuneed:
Danta iyo ujeedada heshiiska dhexmaraya laba dawladood
waa in ay tahay in uu dhaliyo raad qaanuuneed oo uu keeno iswaydaarsi xuquuq
iyo waajibaad, dhinackastana heshiiska uu ka kororsadaa xuquuq uu dheefsado iyo
waajibaad lagu leeyahay oo laga rabo in uu guto, waxaana meesha ku baxaya
heshiisyada aan lahayn raadka qaanuuneed sida is afgaradka gentalmanska (gentlemen's
agreement) loo yaqaano kaas oo dhexmara dublamaasiyiinta dawladaha kala matalaya
laakinse ay heshiiska ku galaan naf ahaantooda iyaga oo aan matalayn
dawladahooda, sida heshiisyada iyo balanqaadaha dublamaasiyiintu isu
balanqaadan ama ku heshiiyaan in ay hab siyaasadeed gooniya raaci doonan kuna
dhaqmi doonaan, ama heshiiska ay ku heshiiyaan in ay dawlad gooniya ka qaataan
go'aan isku mida, heshiisyada noocan ihina ma lahan wax raad iyo saamayn
qaanuuneed ah, waxa kaliya ee ka dhalanayana waa waajib macnawi ah iyo mid
damiir iyo akhlaaqeed oo laga rabo dublamaasigaasi in uu oofiyo balantiisi oo
kaliya.
Magacyada Kala Duwan ee Heshiisyada:
Sida aynu kor kusoo xusnay heshiiska dawliga ahi wuxuu
yeelan karaa magacyo badan oo laakiinse isku hal macno isugu soo biyo shubanaya
waxaana ka mida magacyadaas[3]:
Treaty: waxaana badanka ereyga Treaty looga magac
dhigaa heshiisyada muhiimka ah ee xoogga
saaraya arimaha siyaasadeed ama ciidanka sida Westphalia Treaty 1648, Versailles Treaty 1919kii, iyo Treaty on the Non-Proliferation of
Nuclear Weapons 1968dii.
Convention: magacanina wuxuu inta badan u gaaryahay heshiisyada
dawliga ah ee xoogga saaraya ama abuuraya
mawduucyada qaanuuneed sida Vienna Convention on Diplomatic Relations
ee sanadkii 1961dii kaas oo nidaaminayay qaanuunka dublaamisiyeed ee
dawliga ah, Geneva Conventions 1949kii oo ahaa afartii heshiis ee
nidaaminayay qaanuunka dawliga ah ee bini-aadantinimada, United
Nations Convention on the Law of the Sea (UNCLOS) 1982dii
kaas oo nidaamiyay qawaaninta dawliga ah ee badaha, iyo Vienna Convention on
the Law of Treaties 1969, kaas
oo nidaamiyay qaanuunka gelista heshiisyada iyo mucaahadaadka dawliga ah.
Accord: magacanina wuxuu u gaaryahay heshiisyada
dawliga ah ee aan lahayn sifada siyaasadeed sida heshiisyada gacansi iyo kuwa
maaliyeed waxaana tusaale inoo noqon kara heshiiskii World Trade
Organization (WTO) Accord kaas oo ahaa heshiiskii lagu dhisay hay'adda Ganacsiga
Aduunka.
Protocol: waxaa lagu magaacaba heshiisyada quseeya wax kabadalka
iyo wax ku darista lagu sameeyo heshiis hore oo jiray sida Geneva Protocols 1977dii kuwaas oo ku lifaaqnaa waxna ka
badalay heshiiskii Geneva Conventions
1949kii.
Charter: waa heshiiska ama Axdi-Qarameedka lagu dhiso ayna ka abuurmaan Ururo Caalami ah oo dawladaha dunidu
badankoodu qayb ka yihiin ama Urur goboleedo
dawlado badan qayb ka yihiin ah sida United Nations Charter iyo Arab
League Charter[4].
Habka dhaqanka dawliga ah iyo tacaamulkiisiba waxaa ku
sugmay in dhamaan magacyadaasi oo idil ay ka turjumayaan kuna tusinayaan in ay
yihiin heshiis dhex maray laba dawladood iyo kabadan, waxaana sidaa sii
adkeeyay heshiiskii Fiyeena ee jideeyay Qaanuunka Heshiisyada Dawliga ah
sanadii 1969kii.
W/Q: Khaalid Jaamac Geelle
Xogtan oo Dhamaystiran ugu laabo Buugga Barashada Cilmiga Qaanuunka.
[1] Fiiri qodobka 2aad ee axdigii fiyeena ee qaanuunka heshiisyada ( VIENNA
CONVENTION ON THE LAW OF TREATIES)
[2] Hore waxaan usoo xusnay
in Dadka Qaanuunka Dawliga ah (Subject of International Law) ay yihiin
Dawladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah.
[3] Fiiri: D.J HARRIS , cases and
Materials on International law , West Group , USA , 2003 2nd Ed. P.338.
[4] Waxaa xusid mudan in
farqi u dhexeeyo Baaq (Declaration) iyo dhamaan erayada aan kor kusoo xusnay ee kala ahaa Treaty,
Convention, Accord, Protocol iyo Charter, farqigaas oo ah in baaqu aanu lahayn awood sharci uu ku khasbo dawladaha aan
hirgelin axkaamtiisa (non-legal binding), halka kuwa kale ay leeyihiin awood
sharciyeed, oo ay ku khasbi karaan dawladdii qayb ka noqota ee ka baaqsata
hirgelinta axkaamtiisa (legal binding).
0 التعليقات:
Post a Comment