Waa Maxay Dacwad Ciqaabeed?
Dacwad Ciqaabeed waxa aynu ku qeexi karnaa in ay tahay: "dhamaan talaabooyinka lagu maxkamadaynayo qof ama koox dad ah oo geystay ama la aaminsan yahay in ay geysteen fal danbiyeed ku xusan xeerka ciqaabta caadiga ah ama xeerar ciqaabeedyo kale oo gaar ah, sida xeerka nabadgalyada wadooyinka iyo xeerka nabadgalyada guud".
Goorma ayay oogantaa Dacwad Ciqaabeed?
Dacwad Ciqaabeed waxa ay oogantaa laba xaaladood midkood hadii la helo:
A. Marka la helo warbixin Danbi.
B. Marka la hel cabasho ama ashkato dhibane, siiba gaar ahaan xaaladaha dacwadaha ciqaabta lagu dhaqaajiyo ashkatada dhibanaha.
Xaaladda Koobaad: Haddii la helo war bixin danbi:
Warka,ashkatooyinka iyo warbixinada danbiyadda waxa lagu hagaajinayaa Garsooraha, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ama Sarkaalkasta oo Booliis[1].
Sarkaalka guud ama qofka u xilsaaran hawl guud ee ogaada dhicitaanka denbi ka mida kuwa qaran ahaan loo oogo waa in uu si dhaqso ah ugu wargeeyaa.
Xirfadlaha Caafimaad ee isagoo adeeg caafimaad u qabanaya qof ay u muuqato in qofkaasi ku lug leeyahay denbi ka mid ah kuwa qaran ahaan loo oogo, waa in uu sida ugu dhaqsaha badan uga warbixiyaa arrinka.
Xafiiska Hanti dhawrka guud marka isaga oo gudanaya shaqadiisa la xiriirta kontoroolka iyo barista Maaliyadda Qaranka uu helo danbi la xiriira hanaanka maamulka maaliyadda guud iyo hantida qaranka, waxaa waajib ku ah in uu si daah la’aan ah ugu gudbiyo arintaas xafiiska xeer ilaalnta guud ee qaranka, si loo dhaqaajiyo loona oogo dacwad ciqabeed lid ku ah qof kasta oo ku lug leh fal danbiyeedkaas.
Sidoo kale Muwaadin kasta oo ogaada dhicitaanka danbi lid ku ah karaamada iyo jiritaanka Qaranka kaasi oo sharcigu u dhigayo ciqaab ah dil ama xabsi daa’in isla markiiba waa in uu sheegaa denbigaas.
Xaalada labaad: haddii ay jirto cabashada dhibanaha:
Qof kastoo dhibane ah oo uu dhib kasoo gaaray dambi loo geystay oo aan ahayn danbiyada qaranku oogo ama aan xeer ilaalintu dhaqaajin, waxa uu cabasho u gudbin karaa hay’adaha ay khusayso, si loo bilaabo oogitaanka dacwad ciqaab ah si waafaqsan qodobka 84aad xeerka ciqaabta.
Xaqa ashkatada lama adeegsan karo ama lama isticmaali karo marka ay jiraan xaaladaha hoos ku xusan:
A. Marka uu si cad ama dadban qofku uga tanaasulo xaqiisa;
B. Marka uu furto dacwad madani ah oo dib uu ku dalbanayo magdhawga khasaaraha soo gaadhay.
C. Marka laga gaadhay heshiis khasaarihii ka dhashay danbigaas.
Dembiyada lagu dhaqaajiyo Codsiga Dhibanaha:
Codsiga dhibanaha waxaa keliya lagu dhaqaajin karaa 25 denbi oo kala ah:
1. Qodobka 308aad
Diidmo kas ah ee Fulin la’aanta amar Garsoore
2. Qodobka 312aad
Xuquuq Shakhsi oo ogolaanshiyo la’aan la isticmaalo.
3. Qodobka 393aad
Ku Xadgudubka Xoriyadda Ganacsi.
4. Qodobka 426aad
Gogol dhaaf ama Zino.
5. Qodobka 433aad
Afduubka qof aan lahayn awood sharci.
6. Qodobka 439aad
Weerar ama Gacan qaad.
7. Qodobka 446aad
Dhaawac aan ula kac ahayn.
8. Qodobka 451aad
Cay ama Aflagaado.
9. Qodobka 452aad
Qadaf.
10. Qodobka 468aad
Handadaad.
11. Qodobka 472aad
Xadgudubka Xariirka waraaqaha, qarintooda iyo baabi’intooda.
12. Qodobka 473aad
Khiyaamo ku ogaansho, hakinta iyo joojinta xidhiidhka wada sheekaysiga.
13. Qodobka 474aad
Faafinta fariimaha.
14. Qodobka 477aad
Shaac ka qaadista Dhukumintiyo sir ah.
15. Qodobka 479aad.
Shaac ka qaadista sirta sayniska ama warshadaha.
16. Qodobka 482aad
Ciqaabta tuugada ee ku timaada codsiga dhibanaha.
17. Qodobka 489aad
Soohdin dhaaf dhuleed.
18. Qodobka 491aad
Burburin Hanti.
19. Qodobka 493aad
In si khalad ah loo galo meel xiran oo ay cidi leedahay.
20. Qodobka 494aad
Dil ama Dhaawac loo geysto Xayawaan.
21. Qodobka 495aad
Dhaawicid ama fadarayn Hanti.
22. Qodobka 497aad
Si been ah u sheegasho Musalafnimo.
23. Qodobka 499aad
Burburinta Dhagareed ee shay hanti iyo dhagar isku dhaawicid.
24. Qodobka 502aad
Khiyaamayn Amaano.
25. Qodobka 503aad.
Lunsasho shey lumay, keyd maaliyadeed ama shay uu ku helay si khalad ah.
Waa Maxay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed? Guji Halkan
Sidee ku dhamaataa Dacwad Ciqaabeed?
Mar haddii aynu si kooban usoo xusnay habka ay dacwad ciqaabeed ku bilaabato waxa aynu si kooban u xusi doona habka ay ku dhamaato.
Dacwad ciqaabeed waxa ay ku dhamaata haddii la helo dhawr arimood midkood kuwaas oo kala ah:
1. Dhimashada Eedaysanaha:
Mar haddii eedaysanihii dacwadda ciqaabeed loo haystay uu geeriyoodo ma jirto sabab ay dacwadi ku sii socoto.
Sida ku cad qodobka 143aad ee XC: “Dhimashada Dembiilaha ka hor xukunku waxay dhamaynaysaa Dembiga”.
2. Xukun Maxkamadeed oo kama danbeys ah oo sheegaya in aan dacwadda la qaadi karin:
Haddii uu soo baxo xukun maxkamadeed oo kama danbays ah oo sheegaya in aan dacwad ciqaabeed qofka lagu qaadi karin, dacwadaasi waxa ay noqonaysaa mid dhamaatay.
3. Ka Tanaasulida Dhibanaha:
Haddii dhibanahu uu ka laabto codsigii uu horey usoo gudbiyay, ama uu qaato heshiis waxa ay ka dhigayaan arimahaasi dacwad ciqaabeedkii mid dhamaatay, haddi dacwadaasi ay ka mid ahayd kuwa lagu dhaqaajiyo ashkatada ama codsiga dhibanaha.
4. Gubashada Dacwadda:[2]
Haddii uu dhaco waqtiga bilaabashada dacwadda ciqaabeed, waxa ay noqonaysaa dacwadaasi mid gubatay oo dhamaatay oo aan lasii wadi karin.
Dacwadaha Ciqaabtu waxa ay u qeybsamaan laba nooc oo kala ah:
A. Dacwado bilaabasheedu aysan waqti go’an lahayn, sida dacwadaha loo haysto dambi ciqaabtiisu ka badantahay 5 sano oo xadhig ah, dacwadaha noocani waxa ay bilaabi karaan xilli kasta mana jiraan waqti ay ku dhacaan ama ku gubtaan.
B. Dacwadaha ciqaabtoodu ay ka yartahay 5 sano, waxaa jira xilli ay ku dhacaan, oo haddii aan mudadaa lagu dhaqaajin ay ku gubanayaan, xaaladaha waqtiga uu u xadiday xeerka XHC waa sida ku xusan qodabka 73aad oo kala ah:
a) 6 sanadood, xaalada danbiyada ay ciqaabtooda ugu weyn aysan ka badnayn 5 sanadood.
b) 4 sanadood, xaalada danbiyada ciqaabtooda ugu wayni ka badan tahay 3 sanadood;
c) 2 sanadood, xaalada dambiyada ay ciqabtoodu ugu wayn aanay ka badnayn 3 sanadood.
d) 6 bilood, marka ay jirto xaalada yada ay ciqaabtoodu tahay ganaax kaliya.
Dhinacyada Dacwadda Ciqaabta ah
1. Xafiiska Xeer ilaalinta
Xafiiska Xeer ilaalintu waa dhinaca ooga dacwadda ciqaabeed, isaga ayayna saarantahay dhaqaajinta dacwaddu, inta badan danbiyadana waxaa loo dhaqaajin karaa xafiis ahaan, halka danbiyo kooban oo aynu hore usoo xusnay oo keliya lagu dhaqaajin karo cabashada dhibanaha.
Xafiiska xeer ilaalinta marka uu gudanayo waajibka dacwad oogista ee maxkamadda horteeda, waxaa ku matali kara ka qeybgalka dhegaysiga dacwadda:
A. Xeer Ilaaliyaha Guud ama mid ka mid ah ku xigeenadiisa Maxkamadda Sare horteeda.
B. Xeer Ilaaliyaha Guud ama mid ka mid ah Ku Xigeenadiisu ama Sarkaal Boolis ah oo uu magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud oo derejadiisu ka sarayso Isbatoore, Maxkamada Racfaanka horteeda.
C. Xeer Ilaaliyaha Guud ama mid ka mid ah Ku Xigeenadiisu ama Sarkaal Boolis ah oo uu magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud oo derejadiisu ka sarayso Isbatoore, Maxkamada Gobolka horteeda. Xaaladaha deg-dega ah Taliyaha Qaybta Booliska ayaa hawshaa sarkaalka booliska ah umagacaabi kara.
D. Xeer Ilaaliyaha Guud ama mid ka mid ah Ku Xigeenadiisu ama Taliyaha saldhiga ama sarkaal uu magacaabay Maxkamada Degmada horteeda.
Waxaa xusid mudan in Baadhitaanka iyo xakamaynta danbiyada ay fulinayaan boolisku, iyaga oo raacaya awaamiirta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud.
Marka lama huraan loo arko, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu marxalad kasta amri karaa in xafiiskiisu la wareego baadhitaanka dacwada iyo oogisteedaba.
2. Eedaysanaha
Eedaysanuhu waa qofkastoo lagu soo oogay in uu ku xadgudbay qodob ama qodobo ka mida xeerka ciqaabta, haddii si kale loo dhaho eedaysanuhu waa qof kasta oo lagu hayo xaalad xarig ah oo kasoo fulay hay’adda garsoorka amase loo saaray yeeritaan horkeenid ama hor imaansho maxkamaeed.
Eedaysanuhu waa dhinaca labaad ee dacwadda ciqaabta wuxuuna badanaa kasoo horjeestaa xafiiska xeer ilaalinta.
Eedaysunuhu wuxuu yeelan karaa hal qareen ama kabadan.
3. Dhibane
Dhibane waa qofka dhibtu kasoo gaadhay denbiga loo haysto eedaysanaha.
Dhibanuhu wuxuu maxkamadda ka codsan karaa magdhowga khasaarihii masuuliyadda madaniga ee kasoo gaadhay danbiga.
Sidoo kale dhibanuhu wuxuu yeelan karaa oo keliya hal qareen, oo ka hadla arimaha la xiriira magdhowga khasaarihii madaniga ahaa ee dhibanaha soo gaadhay.
4. Qareen Difaac
Qareenka difaacu ma ahan dhinac madax banaan oo kamid ah dhinacyada dacwadda ee wuxuu difaacayaa eedaysanaha, oo uu ka difaacayaa eedda ay xeer ilaalintu kusoo eedaysay.
W/Q: Khaalid Jaamac Geelle
Xogtan oo Dhamaystiran ugu laabo Buugga Barashada Cilmiga Qaanuunka.
0 التعليقات:
Post a Comment