Goormaa Qofka Lagu Siidayn karaa Damaanad

Goormaa Qofka Lagu Siidayn karaa Damaanad

Qodobada 59aad ilaa 64aad XHC.

Marka qof la xidhay ama la doonayo in la xidho la sii daayo waxaa loo yaqaan dibad joog siin ama xoriyad ku meel gaadh ah.
Ku siidaynta damiinku waa
a)     ka joojinta xadhiga eedaysanaha Amar QabashoMaxkamadeed[1].
b)     Siidaynta qofka sifo sharci ah loo xidhay.

Qofka si damiin loogu siidaayo waxaa lagu waajibin karaa:
1.      Fulinta hanti dabar looga dhigay
a)     ruuxa eedaysanaha ah, ama
b)     dad kale, ama
c)     labadaba, qofka eedaysanaha ah iyo dad ka kale wadajir ahaan, muhiimad gaar ah awgeed si loo hubiyo in eedaysanuhu hor imanayo Maxkamadda awooda u leh.
2.      Shuruud kasta oo kale oo Maxkamad u aragto in ay ku filan tahay.
                                      i.            Sida eedaysanuhu in aanu magaalada ka bixi karin ilaa dacwadiisa laga gaadho xukun ama go’aan kama danbays ah.
                                   ii.            Sida Eedaysanuhu ha yimaado 7da fiidnimo iyo 8da subaxnimo saldhigga booliiska, hana saxiixo warqadda ama buugga loogu talagalay si loo hubiyo joogitaankiisa.

Goormaa Xoriyad dibad joog ah la bixin karaa:

Damiin lama bixin karo xaaladaha ku xusan qodobka 35aad ee XHC, iyo markasta oo uu yahay amarka qabashada Maxkamadu khasab.

Fiiri qodobka 59aad ee XHC.

Yaa Bixinka Damaanadda?

Qodobka 60aad ee XHC, wuxuu leeyahay damiinka waxa bixin kara oo kali ah:
1.      Garsooraha la hor keenay ruuxa xidhan, ama Garsoore awood u leh xiliga dhegaysiga dacwadu ka bilaabanto, Maxkamadda derejada kowaad.
2.      Gudoomiyaha Maxkamadda awood u leh dhegaysiga dacwada marxalad kasta oo kale.

       Horgeynta Eedaysanaha Maxkamadda  Guji Halkan

Nooca iyo Xadiga Damaanada:

Qodobka 61aad ee XHC, wuxuu leeyahay:
Damaanadu waxa ay ka koobnaanaysaa qadar lacageed oo damiintahu, si waafaqsan tilmaamaha/shuruudaha Maxkamaddu ku bixisay damiinka:
A.    Uu dhigayo Maxkamadda, ama
B.     Dammaanad qaadayo in uu bixiyo marka la jebiyo shuruud ka mid ah kuwa dammaanadda.

Waajibinta damiinka Maxkamaddu waxay tixgelinaysaa;
A.    tirada iyo awooda dhaqaale ee damiintayaasha;
B.     Qadarka damaanadda;
C.     Haddiiba qadarka dammaanadda:
                                I.            La dhigayo Maxkamadda, ama
                             II.            La bixinayo marka la jebiyo shuruudaha dammaanadda.
Qadarka dabarka damaanada waxa lagu sargoynayaa duruufaha ku xeeran ee ku haboon
xaaladda dhinacyada ay khusayso, mana noqon karto mid xad dhaaf ah.

Goormaa Qofka Damaanad lagu siideynayaa?

Qodobka 62aad ee XHC wuxuu leeyahay:

Qofka waxa lagu sii dayn karaa oo kali ah damiin marka uu ka soo baxay shuruudaha la saaray ee la xidhiidha oofinta damaanadda.
Marka uu amarka qabashadu xambaarsan yahay ogolaanshaha damiinka, qofka fulinaya amarka Maxkamadu wuxuu ka joogsanayaa xidhista eedaysanaha ama wuu sii daynayaa, isaga oo aan horgayn Maxkamadda si waafaqsan Qodobka 45, marka shuruudaha dabarka damaanada lagu oofiyo wakhtigii loo xadiday.

Kala Noqoshada Damaanadda:

Qodobka 63aad ee XHC, wuxuu leeyahay:
Maxkamadda awooda u leh bixinta damiinka, way ka noqon kartaa dammiinka, waxayna soo saari kartaa amarka qabashada eedaysanaha haddii;
A.    eedaysanuhu jebiyo mid ka mid ah shuruudihii la saaray;
B.     ay jiraan arrimo aasaasi ah oo la rumaysan karo inuu eedaysanuhu ka tagay ama uu ka tegi rabo gayiga Qaranka.
C.     Qadarka dabarku (dammaanadu):
                                I.            aanu ku filayn sabab khiyaamo, khalad ama sabab la nooc ah
                             II.            ka dib uu noqday mid aan ku filayn sabab kale awgeed
D.    Mid ka mid ah dammiintayaashu:
                                i.            sabab maangal ah darted dalbado in laga xoreeyo dammiinka
                             ii.            dhinto
                           iii.            uu dalka ka tegay, ama ay jirto sabab la rumaysan karo in uu dalka ka tegayo


Haddii damaanada laga noqdo sababo kasta oo ka mid ah kuwa ku cad xarfaha c) iyo d) ee farqada hore, damaanadda kale waa la siin karaa mar kale eedaysanaha.
Damiintaha codsaday in laga xoreeyo dammiinka, waxa kaliya oo uu xoroobi karaa kadib marka eedaysanaha la xidho.


       Hawlaha ka Horeeya Dhegaysiga Dacwad Ciqaabeedka  Guji Halkan

Bixinta Lacagta dammaanadda

Qodobka 64aad ee XCH, wuxuu leeyahay:

Haddii wax ka mid ah shuruudihii damaanadda la jebiyo, Maxkamadda dammaanadda bixisay, waxa ay amri kartaa in la bixiyo qadarka curaar ahaan loo dhigay Maxkamadda ama la balanqaaday dhammaanteed ama qayb ka mida.
Haddii damiintuhu ku guuldaraysto sabab la’aan bixinta, qadarka lacageed ee Maxkamaddu amartay waqtiga la siiyay gudahiisa, waxaa lagu oogi karaa dammiintaha dacwad in uu lacagtaa magdhabo oo lagu dabaqayo hab-raaca fulunta xukumadda madaniga ah.


Siidaynta Qofka lagu xiro amar xiritaan oo aan sharciga Waafaqsanayn:Qodobka 66aad ee XHC.

Maxkamadda Sare, ama Maxkamadda Rafcaanku inta ku eg ikhtisaaskeeda waxay qaraar ku soo saari karaan in qofkii lagu xidho go’aan xidhitaan oo aan sharci ahayn ama xaaladaha kale ee aan ahayn kuwa uu sheegay sharcigu in markiiba xoriyaddisii loo celiyo.

Codsiyada la xiriira siidaynta shaqsiga ku xiran qaab sharci daro ah, waxaa lagu hagaajin karaa maxkamadda sare, ama ta racfaanka midood, maxkamadda codsiga noocaasi la horgeeyana waxaa looga fadhiyaa in ay sii dayso shaqsiga lagu xiray sida sharci darada ah, kadib marka ay hubiso in uu jiro xarig sharci daro ah.



[1]  Haddii amarka qabashada lagu qoro in eedaysanaha la siiyo xoriyad ku meel gaadh ah marka uu fuliyo shuruudaha ku qoran isla amarka, cidda fulinaysa amarka qabashada waa in ay sii deysaa marka uu guto isla shuruudaha ku xusan amarka.
Tusaale ahaan: haddii amarku ahaa eedaysane hebel waa in lasoo xiraa, dembiga eedaynta ku qoran dartiis, laakinse haddii uu bixiyo lacag dhan 3000$ halagu sii daayo xoriyad dibad joog ah.

0 التعليقات:

Post a Comment