Horgeynta Eedaysanaha Maxkamadda

Horgeynta Eedaysanaha Maxkamadda

Horgeynta Eedaysanaha Maxkamadda:

Waa maxay Horgeyn:

Horgeyntu waa marka u horeysa ee la horgeeyo qofka lagu soo xiray amar qabasho ama amar qabasho la’aantiis garsoore ka tirsan maxkamadda awoodda u leh.

Sida ku cad qodobka 35aad ee dastuurka ku meel gaadhka ah iyo qodobka 39aad ee XHC, qofkasta oo la soo qabto isagoo aan loo haysan amar maxkamadeed waxaa waajib ah in waqti aan ka badnayn 48 saacadood, marka laga soo bilaabo wakhtigii xidhitaankiisa, lagu horgeeyo Maxkamad awood u leh, amase Maxkamadda ugu dhow goobta lagu xidhay; iyadoo waqtigaa la sheegay ee 48 saacadood ah aanu ku jirayn waqtiga loo kala soconayo goobta xadhigu ka dhacay iyo goobta Maxkamaddu ku taal.

Sarkaalka Booliska ah ee qofka xidhan horgeeyey Garsooraha, isla markaana waa in uu, u habeeyaa una gudbiyaa Garsooraha war kooban oo iftiiminaya:
1.      Xaqiiqada dhacdada iyo sababaha xadhiga;
2.      Caddaymaha la helay oo faahfaahsan;
3.      Marka ay suurtogal tahay faahfaahin astaamaha guud ee:
a)     Qofka la xidhay;
b)     Dhinaca dhibanaha;
c)     Markhaatiyada iyo ruux kasta oo haya war la xidhiidha danbiga.

Garsooraha marka la horgeeyo qofka lasoo xidhay, halagu soo xidho amar qabasho, ama amar qabasho la’aantiis,  waxaa waajib ku ah in uu qaado tallaabooyin ku xusan qodobada 32/XHC iyo 39/XHC isagoo ku horaynaya talaabooyinka qodobka 32/XHC oo ah in uu xaqiijiyo:
1.      In la ilaaliyay lana raacay hanaanka soo xirista ee sharcigu uu jideeyay iyo in kale.
2.      In ay jirto daahid aan caqli gal ahayn oo lagala daahay in garsooraha hortiisa lagu keeno 48 saacadood gudahood, iyo in kale.

Haddii marka ay usoo baxdo garsooraha wax xadgudub ah ama gef ah oo loo geystay sharciga iyo hanaanka soo xirista waxaa waajib k ah garsooraha in uu qaado talaabo uu ku amrayo in cidda xadgudubka geysatay lagu oogo dacwad ciqaab ah haddi uu xadgudubku yahay fal dambiyeed ku xusan xerka ciqaabta, haddii kalane uu amro in talaabo anshax marin ah laga qaado cidda masuulka ka ah xadgudubkaas.

Sidoo kale garsooruhu marka uu darso warbixinta booliiska waxaa u furan sadex arimood midkood[1]:
1.      In uu go’aansado in eedaysanaha aan dacwaddan lagu oogi karin si waafaqsan qodobka 77aad ee XHC.
2.      Haddii danbigu uusan ahayn mid ay tahay in la soo saaro amar qabasho waajib ah ama amar qabasho ikhtiyaari ah, amaba qabashadu aysan waafaqsanayn qodobada 35,36, 38 iyo 50aad ee XHC, wuxuu garsooruhu markaa amri karaa in si degdeg ah loo sii daayo eedaysanaha.
3.      In uu amro in xabsi ku meel gaadh ah loo diro eedaysanaha sida uu qabo qodobka 46aad ee XHC, ama uu damaanad ku siidaayo si waafaqsan qodobada 59-60aad ee XHC.

Xaaladaha lagu tilmaamay xubinta (3aad) Garsooruhu waa in uu:
A.    sharxaa qofka xidhan nuxurka eeda loo haysto.
B.     Ku wargeliyaa qofka xidhan in marxaladan dacwadu marayso aan looga baahnayn in uu bixiyo wax war ah, balse war kasta oo uu bixiyo loo adeegsan doono cadaymo isaga lid ku ah.
C.     Qoraa war kasta oo qofka xidhani bixiyay.

       Maxkamadaha Qaada Dacwadaha Ciqaabta  Guji Halkan

Garsooruhu wax ma waydiin karo qofka xidhan haddii:
A.    aanu qofka xidhani doonin in uu war bixiyo; iyo
B.     in su’aalahaa garsooraha aan looga dan lahayn in lagu bayaamiyo warka uu sidaa ku bixiyay qofka xidhani.

Talaabo kasta oo uu qaado garsooruhu si waafaqsan tilmaamaha qodobkan, waa in isla markiiba sarkaalkii qofka xidhan garsooraha hor-keenay uu ogaysiiyaa:
A.    Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud iyo
B.     Maxkamadda ikhtisaaska u leh, haddii qofka xidhan aan la hor-gayn garsoore ka tirsan Maxkamadda ikhtisaaska u leh.


Xabsi ku Hayn ku Meel Gaadh ah
(Rumaan)
Qodobada 46 iyo 47aad.

Garsooraha awoodda u leh marka la horkeeno eedaysanaha, kadib marka uu hubiyo in la dhawray hanaanka sharcigu tilmaamay ee la xidhidha soo qabashada iyo mudada horkeenista ee ku tilmaaman sharciga, wuxuu soo saaraya amar xabsi ku hayn si waafaqsan qodobka 46aad ee XHC, wuxuuna amrayaa in eedaysanaha xabsiga lagu hayo, lana horkeeno eedaysanaha maxkamadda horteeda si waafaqsan shuruudaha amarka.

Muddooyinka Rumaanka:
Qodobka 47aad ee XHC, wuxuu leeyahay:
Haddii aysan maxkamaddu amrin in dacwaddii la dhegaysto, eedaysanaha waa la sii daynayaa haddii mudadiisa garsuga nimo ama xadhigiisu uu dhaafo:
v 90 maalmood, haddii danbigu yahay ikhtisaaska garsoor ee qaybta Tashiga ee Maxkamadda Gobolka, kaasoo ciqaabta sharcigu u dhigayaa tahay Dil ama xabsi daa’in.
v 60 maalmood, danbiyada kale ee hoos yimaada ikhtisaaska qaybta tashiga ee Maxkamadda Gobolka.
v 45 maalmood, danbiyada hoos yimaada ikhtisaaska garsoor ee qaybta Caadiga ah ee Maxkamadda Gobolka.
v 15 maalmood, marka danbigu hoos yimaado ikhtisaaska garsoor ee qaybta ciqaabta ee Maxkamadda Degmada.

         Goormaa Qofka Lagu Sii Deyn karaa Damaanad? Guji Halkan


Maxkamadda Rafcaanku ka dib marka uu codsi uga yimaado Xeer Ilaaliyaha Guud ama mid ka mid ah Ku-xigeenadiisa, waxay ogolaan kartaa muddada garsuganimada in la kordhiyo wakhti aan ka badnaan karin mudada ugu badan ee xabsi ku haynta ku cad nooc kasta oo danbiyada kor ku xusan ka mid ah.

Mudada xabsigu waxa ay noqon doontaa mid ka bilaabanta maalinta qofka eedaysanaha ah la soo xidhay.

Ilamaa taariikhda la muddeeyey dhegaysiga, eedaysanaha xabsiga ku xidhan waxa la horgayn doonaa Garsooraha todobadii maalmood ee walba hal mar.

Si  kastaba haku u dhacdee marka lagu xadgudbo qaybtan Garsooruhu waxa uu si waafaqsan Qodobka 32 talaabo ku lid ah ka qaadayaa qofka ka masuulka ah[2].



[1] Dabeecada iyo nooca go,aanka maxkamadda marxaladda horgeynta:
Go,aannada la soo saaro inta lagu jiro marxaladda horgeynta waxaa loo qeybin karaa 3 nooc oo kala ah:
1-      Go,aan in aan eedaysanaha lagu oogi Karin dacwad ciqaab ah oo u dhigmo xukun si waafaqsan qodobka 77aad ee XHCS, go, aankan racfaan ayaa ka furan hadii uusan ku soobixin darafka uu lidka ku yahay si uu raali kayahay ama tala gelintiisa, Si waafaqsan qodobka 208/4/B-C/XHC, oo sheegayo in aan laga qaadan karin rafcaan haddii dhinaca go’aanka lidka ku yahay uu ogolaanshihiisa ama codsigiisa ku soo baxay, si lamid ah Xeer-Ilaaliyuhuna aysan u furnayn rafcaan haddii aanu wax diidma ah kamuujin markii lagu dhawaaqay go’aanka.
2-      Go,aan eedaysanaha lagu siidaayay sababo laxiirra hanaankii soo xirista oo aan la dhowrin, go,aanka noocani ah wax racfaan ah kama furana laakin dambi oogaha waxaa ufuran in uu isla dambigaas soo oogo hadii uu saxo hanaanka soo xirista.
3-      In uu eedeysanaha u diro xabsi kumeel gaar ah 46/XHC, haddii uusan u arkin in uu damaanad ku siidaayo eedeysanaha 59-60/XHC.


[2] Kaas oo sheegaya: “Haddii Garsooruhu helo wax xadgudub ah oo lagu sameeyay qofka xidhan oo habsan aan sabab lahayni ku yimi xiligii Maxkamadda la horgayn kenayay, waxa uu:
A.    Amrayaa in lagu oogo dacwad ciqaab ah qofka ka masuulka ah, haddii xadgudubyadan ama habsankan uu ka dhashay.
B.     Amrayaa in ay qaado talaabo anshax marin ah Maxkamadda awooda u lihi oo lid ku ah ruuxii ka masuulka ahaa, haddii xadgudubku ama habsanku aanu samaynaynin.


0 التعليقات:

Post a Comment