Shaqada Xeer ilaalinta ka hor dhegaysiga Dacwadda:
Qodobka 70aad ee XHC.
Marka xafiiska
xeer ilaaliyuhu helo warbixinta booliiska iyo gungaadhkiisa goortaa waxaa la
gudboon sadex arimood mid inuu yeelo:
1.
Haddii ay ula
muuqato in dambi dhacay uuna galay eedaysanuhu, lana hayo marag muujin maxkamad
lagu hor keeni karo, wuxuu goorta:
A.
Qorayaa
xaashida ama warqadda eedaynta, sida ku xusan qodobka 71aad ee XHC.
B.
Wuxuu
hordhigayaa eedda maxkamadda awoodda u leh.
C.
ka codsanayaa
Maxkamadda inay cayinto taariikhda dhegaysiga dacwada iyo in ay qaado
talaabooyinka lama-huraanka u ah dhegaysiga dacwada.
2.
Haddii ay ula
muuqato xafiiska xeer ilaalinta in marag muujinta lasoo ururiyay aysan ahayn
mid ku filan oo eedaysanaha maxkamad lagu horgeyn karo ama uusan ahayn eedaysunuhu
qofka danbiga galay, waxaa markaa xafiiska xeer ilaalinta u furan oo uu awood u leeyahay laba arimood midood:
A.
In uu amro in
baadhis kale la sameeyo, hadduu filayo in baadhitaanadaasi ay keeni doonaan
cadaymo hor leh oo wax iftiiminaya.
B.
In uu xidho gal
dacwadeedka oo dacwadda oodo sida ku tilmaaman qodobka 72aad ee XHC.
3.
Haddii ay u
cadaato xafiiska xeerka ilaalinta:
1)
in aan la galin
danbi.
2)
in danbiga
uusan gelin eeddaysanuhu.
3)
in eedaysanuhu
aanu ahayn eed qaad/ mid qaadi karaya masuuliyad danbi:
a)
uu yahay qof
qaba xanuun maxkaxeed ayna maqantahay kartidiisi garashada, qodobka 50 XC.
b)
Qofku aanu
ahayn marka uu danbiga galay mid da’diisu gaadhay 14 sano, qodobka 59aad ee XC.
4)
In Danbigu
Baaba’ay:
a)
Eedaysanaha oo
geediyooday awgii, Qodobka 143aad ee XC.
b)
Eedaysanaha oo
la Cafiyay awgii, Qodobka 145aad ee XC.
c)
Dhibanaha oo
ashkatadii la laabtay.
d)
Dhibanaha oo
isagoo aan ashkato soo gudbin geeriyooday.
e)
Khilaafaadkii
la dhameeyay si waafaqsan qodobka 146XC.
5)
In aan dacwad
lagu oogi karin eedaysanaha, sababtoo ah:
a)
Danbiga taagani
uu yahay mid lagu oogo cabashada dhibanaha cabashadiina aan la samaynin.
b)
Isla
dhacdadan/danbigan in si kama danbays ah loogu xukumay, ama loogu waayay, ama
si sharci ah loogu ooday.
c)
Ogolaanshihii
lagama maarmaanka u ahaa oogitaanka dacwadda, oo aan la bixin amase ladiiday[1].
d)
Mudadii
dhaqaajinta dacwadda ee danbiga u dhignayd oo dhacday.
Xaaladahan kor
ku xusan haddii midkood la helo Xeer
Ilaaliyaha Guud, isagoo sababaynaya soona bandhigaya cadaymaha arrinta ku
haboon, wuxuu ka codsanayaa Maxkamadda ikhtisaaska u leh in ay baabi’iso
dacwada kana qaadato talaabooyinka kale ee ku haboon.
Qaabka Qorista Xaashida Eedda
Qodobka 71aad ee XHC.
Shaqada ugu
horeysa ee laga sugayo xafiiska xeer ilaalinta marka uu ku qanco gungaadhka
booliiska, ayna la noqoto in eeddaysanuhuna yahay cidda geysatay, waa qorista
xaashida eedda, sida ku cad qodobka 71aad ee XCH.
Xaashida Eeddu
waxay noqonaysaa laba nuqul oo isku mid ah oo ay ku qoran yihiin;
1.
magaca hay’ada
samaysay xaashida eeda.
2.
taariikhda la
soo saaray.
3.
astaamaha guud
ee eedaysanaha ah, haddii aan la garanayn, tilmaamo kale oo caqligal ah oo si
suggan loogu aqoonsan karo.
4.
denbiga lagu
eedeeya oo uu weheliyo hadal qeexan oo muujinaya falka dhismaha denbigu ku
qotomo oo ay ku jirto waqtiga dhacay iyo goobta denbigu ka dhacay iyo qofka ama
shayga denbiga laga galay.
5.
Sharciga, iyo
Qodobada xeerka ah ee lagu xadgudbay.
6.
Xusida
duruufaha cuslaynta, marka laga reebo caadaystanimada danbiga, iyo duruufaha
keeni kara in talaabooyin ammaan laga qaado iyo qodobada ay kuwaasi la
xidhiidhaan.
7.
Astaamaha guud
ee qofka dhibanaha ka ah denbiga iyo qofka duruufaha denbigu muujiyeen in uu
noqday bilaa dembi.
8.
Tilmaamida
haddiiba eedaysanaha uu yahay mid lagu hayo ku meel gaadh ah ama uu yahay dibad
joog.
9.
Saxeexa
masuulka sameeyay eeda iyo shaambada xafiiska.
Haddii
eeddaysanaha lagu eedeeyay hal danbi wax ka badan waa in mid mid loo lanbariyaa
ama loo qoraa, sidoo kale haddii eedaysanayaashu ka badan yihiin hal qof waa in
xaashida eedda lagu muujiyaa cid walbo
oo dambiga loo haysto ama lagu eedeynayo, iyo astaamaha eeddaysane walba u
gaarka ah.
Inta lagu guda
jiro dhegaysiga dacwadda ee maxkamadda darajada 1aad xafiska xeer ilaalnta
waxaa u furan in uu wax ka badalo eedda marka ay maxkamaddu ka ogolaato,
markaana waxaaa dhinacyada u furan in ay codsadaan in dhegeysigii marqaatiyada hore loo
dhegaystay lagu celiyo iyo in lasoo bandhigo caddeymo cusub oo la jaanqaadi
karo wax ka badalka eedda, sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta waxaa u furan,
kadib markii ay maxkamaddu ka ogolaato in uu la laabto eedda ka hor inta aan la
soo gababayn dhegaysiga dacwadda maxkamadda darajada 1aad, fiiri qodobada
111aad iyo 112aad ee XHC.
Oodista Dacwadda ama Gal Xidhista
Qodobka 72aad ee XHC
Marka ay ula
muuqato xafiiska xeer ilaalinta in marag muujinta lasoo ururiyay aysan ahayn
mid ku filan oo eedaysanaha maxkamad lagu horgeyn karo ama uusan ahayn
eedaysunuhu qofka danbiga galay, waxaa xafiiska xeer ilaalinta u furan oo
uu awood u leeyahay laba arimood midood:
A.
In uu amro in
baadhis kale la sameeyo, hadduu filayo in baadhitaanadaasi ay keeni doonaan
cadaymo hor leh oo wax iftiiminaya.
B.
In uu xidho gal
dacwadeedka oo dacwadda oodo sida ku tilmaaman qodobka 72aad ee XHC.
Haddii go’aanka
oodista dacwaddu uusan xeer ilaaliyaha guud laftigiisu qaadan, xafiiska
go’aankaas qaadanaya, wuxuu nuqul go’aankiisa ah u dirayaa xeer ilaaliyaha
guud, kaas oo ansixin kara go’aankaas ama dalban kara in loo keeno dhamaan
galka dacwaddaas khuseeya.
Xeer ilaaliyaha
guud marka uu darso gal dacwadeedka uuna arko in uusan haboonayn go’aanka
oodistu, wuxuu baab’inaya go’aankii xafiisku soo saaray, wuxuuna amrayaa:
1.
In dacwaddii
lagu oogo eedaysanaha.
2.
Ama in baadhis
cusub oo dheeraada loo diro dacwadda.
Haddii uu
go’aansado xeer ilaaliyuha guudi oodista dacwadda wuxuu go’aankiisa oodista:
1.
U dirayaa
maxkamadda awoodda uleh, taas oo qaadaysa talaaboyinka ku xusan Q.76aad.
2.
Wuxuu
go’aankaas ogaysiinayaa eedaysanaha.
Haddii xeer
ilaaliyaha guudi uu ansixiyo go’aanka oodista dacwadda, haddii mar danbe la
helo caddaymo cusub, kuwaas oo keligood ama marka kuwii hore ay is biirsadaan
bayaaminaya in danbi dhacay, eedaysanuhuna uu danbigaas galay, wuxuu tirtirayaa
xeer ilaaliyaha guudi go’aankii oodista dacwadda.
Waa maxay Farqiga u Dhexeeya Oodista Dacwadda iyo Eed la Laabashada:
Arinta gal
xidhista ee ku xusan qodobka 72aad ee XHC iyo eed la laabashada maxkamadda horteeda
ka dhacda ee ku xusan qodobka 112aad ee XHC, waxa ay ku kala duwan yihiin
arimaha hoos ku xusan:
1-
Gal xidhistu
ama oodistu waxay ka horeeysaa dhagaysiga dacwadda, eed la laabashaduna waxa ay
ka hor dhacdaa maxkamadda horteeda, inta lagu jiro dhegaysiga dacwadda.
2-
Go’aanka laga
soo saaro eed la laabashada, inta lagu guda jiro dhegaysiga dacwadda waxa uu la
mid yahay xukun oo eedaysanaha markale laguma soo oogi karo isla danbigii hore
loogu soo eedeeyay, laakinse gal xidhista ama oodista dacwadda inta aysan
bilaabmin dhacda lama mid aha xukun, haddii cadaymo kale oo cusub ay soo baxaan
xafiiska xeer ilaalintu wuxuu awood u leeyahay in uu isla dacwaddii markale soo
oogo.
3-
Gal xidhis
kasta waxa ay u baahantahay ogolaanshaha xeer ilaaliyaha guud laf ahaantiisa,
laakinse eed la laabashada timaada marka lagu guda jiro dhegaysiga dacwadda
maxkamada horteeda, waxaa la eegayaa ciqaabta ku xusan dembiga eedda, haddii
denbiga ciqaabtiisu ka yartahay sadex sano oo xadhig ah, uma baahna
ogolaanshaha xeer ilaaliyaha guud laf ahaantiisa, ee waxaa eedda la laaban kara
cidda markaa xafiiska matalaysa, dambiyada ciqaabtoodu ka badan tahay 3 sano oo
xadhig ah waxaana loo baahanyahay ogolaansho qoraal ah, oo uu soo qoray xeer
ilaaliyaha guud laf ahaantiisu, fiiri qododka 6aad ee xeer LR1 ee soo baxay 17
february 1968dii, kaas oo wax lagaga badalay Xeerka Habka Ciqaabta.
Ogolaanshaha ku Oogidda Dacwo Ciqaabeedeed:
Qodobka 74aad
Xildhibaanada
golaha shacabka iyo kuwa aqalka sre laguma soo oogi karo dacwad ciqaabeed,
haddii aan fasax loo haysan, cidda kaliya ee fasixi karta in xildhibaan lagu
oogo dacwad ciqaabeed waa golaha uu ka tirsan yahay xildhibaanku, ha noqdo
golaha shacabka ama aqalka sare, sida ku cad qodobada 70aad iyo 78aad ee
Dastuurka KMG ah.
Sidoo kale
xubnaha Hay’adaha garsoorka sida garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha laguma
oogi karo dacwad ciqaaab ah haddii aan fasax looga haysan golaha adeegga
garsoorka, sida uu qabo faqradda 3aad ee qodobka 106aad ee dastuurka KMG ah.
Sidoo kale
waxaa xasaanad ama dhawrsanaan leh:
A.
Hanti-dhawrayaasha.
B.
Gudoomiyaasha
gobol.
C.
Gudoomiyaasha
Degmooyinka.
D.
Gudoomiyayaasha
Golayaasha Deegaanka.
Xaaladoodana
waxaa lagu dabaqayaa sida uu jideeyay qodobka 74aad ee XHC, oo qeexaya in aysan
jiri karin dacwad oogid lagu samayn karo, haddii aan marka hore laga haysan
ogolaansho rasmi ah oo qoraal ah wasiirka awqaafta iyo cadaaladda.
Shaqada Garsooraha ka hor Dhegaysiga Dacwadda
Muddaynta taariikhda Dhagaysiga dacwadda & talaaboyinka la xidhiidha:
Qodobka 75aad
Garsooraha
awoodda u lihi marka ay soo gaadho xaashida eedda ee kasoo baxday xafiiska
xeerka ilaalinta waa:
1.
In uu muddeeyaa
dhageysiga dacwadda, meesha iyo saacadda la qaadi doono.
2.
In uu qoraa
qoraalka warqadda soo wadista ama u yeedhidda eedaysana iyadoo lagu lifaaqayo
warqaddii eedaynta.
3.
In la amro
gaadhsiinta muddaynta dooda eedaysanaha, xeer ilaalinta, dhibanaha iyo
markhaatiyaasha.
4.
In loo qabto
eedaysanaha qareen marki sharcigu qasab ka dhigayo, asaguna uusan awoodin in uu
qabsado qareen difaaca.
Ooditaanka Dacwadda marka dhinacyadu dalbadaan:
Qodobka:76aad
Dhanka kale
marka ay garsooraha soo gaadho gal xidhista ku xusan qodobka 72aad ee XHC,
garsooraha waa in uu amraa siidaynta eedaysanaha si degdeg ah, haddii
eedaysanuhu ku xiranyahay xabsiga, waxaa kale oo uu garsooruhu amrayaa
tirtirada talaabooyinka amaan, haddii ay jiraan talaabooyin nabadgelyo, haddii
eedaysanuhu uu ku jiray damaanad uuna haystay xoriyad KMG ah, wuxuu amrayaa in
la baabi’iyo ama la tirtiro culayska damaanadeed ee lagu waajibiyay si
waafaqsan tilmaamaha faqradda 2aad ee qodabka 59aad lagana xoreeyo damiintaha
damaanadii, waxaana loo celinayaa cudhaadhii ka taalay maxkamadda, si waafaqsan
faqradda koobaad ee qodobka 61aad.
Amarka Oodista Dacwadda iyo Tallaabooyinka la Xidhiidha:
Qodobka 77aad:
Marka ay u cadaato
xafiiska xeer ilaalinta in aan la gelin danbi, ama eedaysanuhu uu san ahayn kii
danbiga galay, ama aanu ahayn masuul danbi, ama la cafiyay ama la laabtay
cabashadii, iyo xaaladaha kale ee ku xusan qodobka 72aad ee aynu hore usoo
sheegnay, wuxuu xeer ilaayaha guudi ka codsanayaa maxkamadda awoodda u leh in
uu baabi’iyo dacwadda kana qaado talaabooyinka kale ee ku haboon, fiiri qodobka
70aad, kadibna waa in maxkamaddu soo saartaa go’aan la xiriira in dacwaddu
oodantay.
Amarka Horkeenidda Eedaysanaha Maxkamadda
Qodobka 79aad
Amarka ah in eedaysanaha la hor
keeno Maxkamadda waxa uu ka koobnaanayaa amar, ku socda maamulka eedaysanaha ku
haya xabsiga, oo ah in eedaysaha la keeno Maxkamadda awood u leh horteeda
wakhtiga iyo goobta la cadeeyay si uu markaasi eedaysanuhu uga jawaabo eedyno
khaas ah.
Amarka u Yeedhitaanka Dhibanaha iyo Maragyada
80aad.
Garsooruhu wuxuu soo saari
karayaa amarka loogu yeedhayo dhibanaha ama maragyadii wax ka ogaa duruufaha
dacwadda.
[1] Qodobka 13aad Faqradiisa 5aad XHC: “Dacwadaha
ogolaansho qoraal ahi yahay lagama maarmaan, waa in codsigaa la waydiistaa
Xeer-Ilaaliyaha guud, ka hor intaan la soo saarin wax amar qabasho ah oo lid ku
ah eedaysanaha. Haddii eedaysanaha la qabtay isagoo fal denbiyeed faraha kula
jira waa in ogolaanshahaa isla markiiba la helaa”.
0 التعليقات:
Post a Comment