Maxkamadaha Qaada Dacwadaha Ciqaabta & Ikhtisaaskooda
Maxkamadda Degmada
Maxkamadda degmaddu qeybteeda ciqaabtu waxa ay geli kartaa
denbiyada ku xusan xeerka ciqaabta ee aysan ciqaabtoodu ka badnayn sadex sano
oo xadhig ah, ama ganaax lacageed oo aan ka badnayn 3,000 oo shiling ama
labadooda oo wada jira.
Fiiri qodobka 2aad ee XNG, iyo qodobka 2aad ee XHC.
Maxkamadda Gobolka
Maxkamadda Gobolku waxa ay leedahay laba laamood oo kala ah:
Laanta madaniga ahi waxay awood u leedahay dhamaan dacwadaha
madaniga ah ee aan hoos imaamin awoodda maxkamadda degmada, waxaana dacwadaha
gala hal garsoore oo keliya.
Laanta dacwadaha ciqaabta waxa ay u qeybsantaa laba qeybood oo kala
ah:
A.
Qeybta
dacwadaha aan tashiga ahayn (General Section).
B.
Qeybta
dacwadaha tashiga ah (Assize Section).
Qeybta Dacwadaha aan Tashiga ahayni waxay awood u leedahay,
dhegeysiga dacwadaha Ciqaabta ah ee uu xadhigeedu ka badan yahay (3) sano, kana
hooseeyo (10) sano.
Waxaana dhegeysan kara hal Garsoore keliya.
Qaybta Dacwadaha tashiga ah waxay ka koobantahay sadex garsoore: waxayna
dhageystaan dacwadaha ciqaabtoodu gaadhayso dil, xabsi daa'in ama xabsi aan
ciqaabtiisu ka hoosaynin ugu yaraan 10 sano iyo wixii ka badan.
Fiiri qodobka 3aad ee XNG.
Maxkamadda Racfaanka
Maxkamadda Racfaanku waxay go’aan ka gaadheysaa, dacwadaha
racfaanada looga soo qaato xukunada maxkamadda derejada Kowaad ee Gobol iyo
degmo.
Maxkamadda racfaanku waxa ay ka koobantahay laba qeybood oo kala
ah:
Qeybta caadiga ah ee
racfaanada ((General AppellateSection)) iyo qeybta tashiga ah ee
racfaanada(Assize Appellate Section).
Qeybta caadiga ah ee racfaanadu waxa ay go’aan ka gaadhaa
racfaanada laga qaato dacwadaha ciqaabta ah ee Maxkamadda Gobolka iyo Degmada
oo keli ah, waxaana dhegaysta dacwadahaas hal garsoore.
Qeybta Dacwadaha tashiga ah,
waxa ay go’aan ka gaadhaa racfaanada laga soo qaato xukunnada Maxkamadda Gobolka
laanteeda tashiga.
Fiiri qodobka
4aad ee XNG.
Maxkamadda Sare
Maxkamadda Sare
waa xubinta ugu sareysa Garsoorka Dalka, shaqadeeduna waa damaanad qaadka
habsami u dhaqan gelinta qaanuunka iyo mideynta fasiraadiisa, sidoo kale waxay
fulisaa hawlaha kale ee dastuurku ama qaanuunku u xilsaaro.
Maxkamadda sare
ee dalku qeybteeda caadiga ah oo ka kooban 3garsoore waxa ay gashaa
cabashooyinka laga soo qaato xukunada ciqaabta ah ee maxkamadaha racfaanka
qaybahooda kala gedisan iyo dib u eegista laga qaato xukunada maxkamadda sare
laftigeeda.
Fiiri qodobka
5aad ee XNG.
Xadidaada Ikhtisaaska Maadada/ Mawduuca ee Maxkamadda Ciqaabta:
Marka la rabo in la xadido maxkamadda ikhtisaaska u leh dhagaysiga
dacwadda ciqaabeed waxaa lagama maarmaan ah in la eego ciqaabta u sareysa ee
danbi kasta xeerku u xadidayo, iyadoo la tixgalinayo asbaabaha danbiga cusleeya
ee ku xusan qodobka 39aad ee XCS.
Taas oo ka dhigan in danbi kasta oo ciqaabtiisa u badani aysan ka
badnayn sadex sanadood iyadoo lagu daray sifaalaha danbiga cusleeya, uu
noqonayo ikhtisaaska maxkamadda degmada.
Xilliga la xidadayo ikhtisaaska maadadeed laguma darayo xisaabta
xaaladda caadeyste nimada, ee ku xusan Q.61aad ee XHC.
Ikhtisaas la’aanta maxkamadda waxa soo jeedin karaya dhinacyada
waxaana kale oo si iskeed ah ugu dhawaaqi karaysa maxkamadda, haddii maxkamadi
dhegaysato dacwad aysan ikhtisaas u lahayn xukunkeedasi waa waba kama jiraan,
waxaana arintaas la soo jeedin karayaa marxalad kasta oo dacwadda dhegaysigeedu
marayo.
Fiiri Q.4aad ee XHC.
Haddii eedaysanaha loo haysto danbiyo badan oo soo kala hoos galaya
ikhtisaaska maxkamaddo kala duwana markasta waxaa tixgelinta leh danbiga ugu
culus cidda ikhtisaaska u leh.
Fiiri qodobka 7aad ee XHC.
Xadidaada Ikhtisaaska Dhuleed ee Maxkamadda Ciqaabta:
Marka la doonayo in la xadido ikhtisaaska dhuleed ee maxkamadda
ciqaabta waxaa la eegayaa:
1.
goobta
danbigu ka dhacay
2.
ama
natiijadu ka dhacday.
goobtaas maxkamadda ku taal ayaana iska leh ikhtisaaska qaadista
dacwadaas.
Marka danbigu yahay mid xiriirsan ama joogto ah waxaa qaadista
dacwadda ikhtisaas u leh goobta danbiga socodkiisu ku dhamaaday, marka ay
suurta geli weydo in denbiga loo xadido sida aan soo tilmaanay.
Haddii aan la garanayn halka danbiga lagu galay, amase uu ku
dhamaaday, amase danbiga lagu galay dalka dibadiisa maxkamadda sare ee dalka
ayaa xadidaysa maxkamadda dacwadda qaadaysa.
Fiiri Qodobka 5aad ee XHC.
Marka ay dhacaan danbiyo dhawr ah oo ka kala dhacay xuduudo kala
gedisan waxaa dacwadda qaadaysa:
A.
Maxkamadda
ikhtisaaska u leh goobta danbiga ugu culusi ka dhacay.
B.
Haddii
danbiyadu isku culeys yihiina maxkamadda goobta tirade denbiyo ee u badan lagu
galay
C.
Haddii
aysan suurta gal ahayn in la xadidana, haddi danbiyadu hal gobol dhexdii kawada
dheceena maxkamadda racfaanka ayaa xadidaysa maxkamadda dhegaysanaysa dacwadda,
haddii gobolo kala duwan ay ka dheceena maxkamada sare.
Fiiri qodobka 8aad ee XHC.
Durida iyo ka Joogsashada GarsoorahaDuridda Garsooraha
Qodobka 10aad
ee XHC, wuxuu leeyahay”
Garsooruhu
awoodiisa Garsoore ahaan kagama qayb gali karo dhegaysi dacwad ciqaabeed haddii
laga helo 6dan arimood midkood:
1.
uu ka qayb
galay dhegaysiga isla dacwadaas Garsoorenimo Maxkamad kale;
2.
uu Dacwadaas ka
noqday:
A.
Xeer Ilaaliye.
B.
Qareen difaac.
C.
wakiilka
dhinac.
D.
Marag.
E.
khabiir ama la
taliye farsamo
3.
uu isagu ahaa
dhinicii sameeyay war gelinta, ashkatada ama codsaday in dacwada la oogo.
4.
uu ka leeyahay
isagu wax dan shakhsi ah dhegaysiga dacwada.
5.
Uu garsooruhu
ay ka dhaxayso xidhiidh xididnimo oo ah, in uu guursday qof uu dhalay ama la
dhalatay/ ha noqdo ka wax guursaday garsooraha ama qofka kaleba, ruux walba oo qayb ka qaadanaya dacwada isagoo
ku leh maqaamyada soo socda midkood:
A.
Garsoore,
B.
Ooge
C.
Qareenka
difaaca,
D.
wakiilka
dhinac,
E.
ama qof kasta
oo ka leh wax dan shakhsi ah dacwadan.
6.
uu isagu talo
ka gaystay ama ku cabiray fikradiisa arrinka dacwada oo ka baxsan gudashada
shaqadiisa Garsoore ahaan.
Garsooruha waa
in uu sida ugu dhaqsaha badan ayuu uga joogsanayaa dhegaysiga dacwada, isla
marka uu ogaado jiritaanka waxyaabaha ku taxan faqrada hore ee qodobkan,
wuxuuna u gudbinayaa arrinka Gudoomiyaha Maxkamada ama Maxakamada ka saraysa
taasoo qaadanaysa talaabooyinka lama huraanka ah ee ku xusan faqrada 3 aad ee
Qod: 11.
Gef kasta oo
loo gaysto tilmaamaha qodobkan wuxuu dacwada ka dhigayaa baaba’a, ay xataa
Maxkamadu iskeed ugu dhawaaqi karto marxaladkasta oo dacwadu marayso.
Ka Joogsiga Garsooraha
Garsooruhu
wuxuu awood u leeyahay in uu iskii uga joogsado dacwadda lagu soo qoray, haddii
damiirkiisu uu u sheego in aanu cadaalad ka keeni karin dacwadda hortaalla.
thank you for your help
ReplyDelete