Qofku wuxuu xadhig ku
mudan karaa sadex xaaladood mid uun:
1. Haddii la qabto isagoo Danbi faraha kula jira.
2. Haddii Xadhigiisa ay Maxkamaddi Amarto.
3. Haddii laga Shakiyo.
1. Xaaladda Koobaad: Haddii uu Danbi Faraha kula jiro:
Waa Maxay Danbi Faraha kula Jirid:(in flagrante delicto)
Waxaa loo aqoonsanayaa
qofku in uu Denbiga Faraha kula jiray haddii lasoo qabto isagoo ku sugan
Sadexdan Xaaladood Midood:
1) Lasoo qabto isagoo fal denbiyeed samayntiisa markaa faraha ku
haya.
2) Uu raadceeyo isla markii uu danbigu dhacay:
a) Sarkaal Boolis ahi, ama
b) Dhinacii dhibtu soo gaadhay, ama
c) Qof kasta oo kale.
3) Lagu qabto, isla marka uu dhaco danbigu, qalabkii denbiga lagu
galay, ama raad cad oo kale oo muujinaya gelitaanka denbiga.
Sidoo kale Sharcigu
wuxuu u aqoonsanyahay danbiyadan in loo galay, denbi faraha kula jirid:
a) danbi kasta oo joogto ah ilaa iyo xiliga uu danbiga
joogtanimadiisu ay dhamaanayso;
b) Ka baxsasho xabsi sharci ah, ilamaa xiliga fakashadaasi laga soo
xidhayo ama la qabanayo.
Garsooraha, Xeer
Ilaaliyaha Guud iyo ku/xigeenadiisa iyo Sarkaal kasta Boolis ahi waxa ay xidhi
karaan oo qaban karaan qofkasta oo ay arkaan isagoo danbiga faraha kula jira
amar garsoore la’aantiis si waafaqsan tilmaamaha qodobada sharci.
Qofka Rayid ahi ma Xidhi karaa qof Danbi faraha kula jira hadduu
arko?
Qofka rayidka ahi wuxuu
awood u leeyahay in uu qabto qof danbi faraha kula jira amar garsoore
la’aantiis xaaladaha ku cad Qodobka 35aad ee XHC, laakinse qofka rayidka ah ee
xadhigan sameeyaa waa in uu isla markiiba qofka u gudbiyaa sarkaal Boolis ah.
Sarkaalka Booliiska ah
ama qofka markaas xadhiga fulinaya ee arka qof danbi faraha kula jira mar waa
ku waajib qofkaa in uu xidho, marna waxaa uu u door leeyahay in uu qofka xidho
ama in uu inta uu ka tago soo qaato amar qabasho kadibna uu xidho, waxaynuna si
kooban u xusaynaa labadaa xaaladood ee marna ay waajib tahay qabashada qofka
danbiga faraha kula jira marna ay tahay ikhtiyaariga:
A. Marka ay Waajibka tahay in qofka la xidho:
Waxaa waajib ah in qofka
la xidho sida ku cad 35aad ee XHC, haddii lagu qabto isagoo faraha kula jira:
1. Danbi kasta, ama isku day denbi kasta oo lid ku ah shaqsiyada
qaanuuneed ee Qaranka, kaas oo ciqaabtiisu tahay xadhig ama ciqaab culus.
2. Galay ama isku deyay Danbiyadan soo socda midkood:
1) Ka fakasho xabsi sharci ah.
2) Burburin iyo Tuugo.
3) Gawracaad.
4) Kas u sababid baahinta Cuduro khatar ah, Sumayn Biyaha iyo
Cuntada.
5) Kufsi, salaaxid (hamad kacin), galmo aan dabiici ahayn oo xoog
lagu galo, ama u qabsasho ujeedo salaax.
6) Soo tuuris ilmaha uurka ku jira ogolaansho la’aan.
7) Dil, dilid ilme (canug), Ogolaansho ku dilid ay la socoto duruuf
denbiga cuslaysa, dhaawac culus ama aad u culus, Dil kas dhaafa, safayn wata
duruufaha denbiga cusleeya.
8) Ceebayn wadata duruufaha denbiga cusleeya markay tahay in dalabka
xeer-ilaalinta lagu oogo.
9) Xoog ku adoonsi, suuq gaynta iyo ka ganacsiga adoonta, xoog ku haysashada
aadamiga.
10) Xayirasho qof.
11) Tuugo ay tahay in xafiis
ahaan loo oogo, budhcadnimo, baadis, dil ama dhaawac loogaysto xayawaanka cid
kale leedahay kaasi oo xafiis ahaan loo oogayo.
3. Iyo Danbi kasta oo kale, oo xeerku waajibinayo in ay waajib tahay
qabashadoodu marka faraha lagula jiro.
B. Marka ay Ikhtiyaari tahay qofka in la xidho:
Sarkaalka Booliiska ah
ama qofkastoo xadhiga fulinaya waxaa uu ikhtiyaar u leeyahay in qofka isla
markaaba xidho, ama in uu iska dhaafo oo uu doonto Amar Maxkameed oo qofka uu
kusoo xidho, marka uu qabto qofka isaga oo faraha kula jira Danbi
ay:
1. Ciqaabtiisa xadhig ee ugu wayni aysan ka badanayn hal sano.
2. Ciqaab uu xadhig ku jiro marka danbigu uu la xidhiidho:
a) Sikhraamid ,
b) Dab, rasaas, ama qarax.
c) Ciyaarta khamaarka.
d) Haysasho aan caqli gal ahayn oo waxyaabaha qiimaha leh, xoolaha,
qalab wax lagu furo ama qufulada lagu saaro.
e) Walxo khatar ah ama maanka dooriya.
3. Ciqaab uu xadhig ku jiro marka danbigaga qofka galay uu yahay :
a) Qof lagu sii daayey dammaanad.
b) Caadaysi sida ku cad Qodobka 61aad ee Xeerka Ciqaabta.
Xaaladaha lagu sheegay
faqradaha hore, xidhida denbi faraha kula jirid waxaa la samayn karaa marka
denbigu uu yahay mid lagu oogo dalabka dhibnaha, marka uu dhibanuhu ku
wargeliyay denbiga Garsooraha, xafiiska xeer-ilaalinta ama bilayska, isagoo
qasdigiisu yahay in uu sameeyo ashkatadaas.
2. Xaaladda Labaad: Haddii Xadhiga ay Amartay Maxkamad:
Yaa Awood u leh Soosaarista Amarka Maxkameed:
Amarka qabashada waxaa
soo saari karaya oo keliya:
A. Garsoore awood u leh Dhegaysiga dacwadda laga bilaabo xiliga
dacwadu ka bilaabanto Maxkamad derejada koowaad.
B. Gudoomiyaha Maxkamadda awooda u leh marxalad kasta oo dhegaysiga
dacwadu marayso.
Si loo soo saaro amar
qabasho waxaa loo baahanyahay in la hubsado in ay jiraan laba arimood:
A. In danbi dhacay.
B. In eedaysanuhu denbiga galay.
Qaabkee loo Qoraa Amarka Qabashada?
Qoraal kasta oo ah amar
qabasho, waa in la soo saaraa isagoo laba nuqul ah oo koobsanaya kuna cad
yihiin arimahan soo socda:
A. Tilmaamaa Xafiiska Amarku kasoo baxay.
B. Taariikhda lasoo saaray.
C. Magaca oo sadexan, da’da, meesha, shaqada iyo deegaanka
eedaysanaha.
D. Falka oo kooban iyo danbiga lagu xidhayo.
E. Shaabadda xafiiska qoray iyo saxiixa garsooraha qoray.
Haddii amarka qabashada
qaabka loo qoray wax ka qaldan yihiin qofka ma la siidaynayaa?
Qofna laguma siidayn
karo amarka qabashada lagu xidhay oo qaab ahaan ceeb leh oo keliya.
Xaaladaha Soo Saarista Amarka Qabasho uu yahay Khasab:
Amarka qabasho (xadhiga)
waxa la soo saarayaa marka qof lagu eedeeyey:
1. Danbi kasta oo ku xusan Qodobka 35aad ee XHC.
2. Danbi kasta oo ciqaabtiisa ugu weyni tahay xadhig aan ka yarayn 10
sano ama ciqaab ka culus.
3. Danbi kasta oo kale oo soo saarista amarka qabasho sharcigu qasab
ka dhigay.
4. Sidoo kale Amarka qabashada waxa kale oo la soo saarayaa
xaaladaha:
a) Waafaqsan timaamaha farqada 4 ee Qodobka 47 ee XHC, oo ah marka
eedaysanuhu jabiyo shuruudihii damaanadda, ama haddii ay jiraan sababo la
rumaysan karo oo sheegaya in uu ka tagayo dalka.
b) Waafaqsan timaamaha farqada 1 ee Qodobka 63.
Xaaladdaha soo saarista Amar qabasho ikhtiyariga tahay:
Amarka qabashada
maxkamaddu waxa ay awood u leedahay in ay soo saarto haddii:
1. Danbiga ciqaabtiisa ugu yari tahay xadhig aan ka
badnayn 6 bilood;
2. Xaalad kasta oo kale oo soo saarista amarka xadhigiisa uu
ogolaaday sharcigu.
3. qofka helay amarka in uu Maxkamadda horyimaado (yeedhmo):
i. Haddii ay jiraan arrimo la rumaysan karo in qofkaasi ka tegayo,
ii. Ama laga yaabo in uu ka tago dhulka ama uu isku dayayo in aanu Maxkamadda
hor-tegin.
iii. Ama haddii qofkaasi cudurdaar la’aan uu ku hortagi waayay
Maxkamadda xiligii iyo goortii amarka yeedhmada ku cadayd iyo amar kasta oo
kale oo la xidhiidhay.
Fulinta Amarka qabashada:
Sarkaal kasta oo Boolis
waa in uu u fuliyaa amarka qabashada sida ugu dhakhsaha badan.
Laakiin haddii
eedaysanuhu yahay:
a) haweenay uur leh ama haweenay xannaanaysa ilmo.
b) ruux ku sugan xaalad aad iyo aad khatar u ah oo caafimaad daro.
Maxkamadda soo saartay
amarka xadhigu, waxa ay amri kartaa in la joojiyo fulinta amarka qabashada ilaa
iyo inta ay meesha ka baxayso duruufta loo hakiyey fulinta amarka qabashadu.
Haddii aanay jirin baahi
degdeg ah, amarka xidhitaanka laguma fulin karo guryaha degaanka ah, saacadaha
u dhexeeya 6 da fiidnimo ilaa 7 da subaxnimo.
Sarkaalka Booliska ah ee
fulinaya amarka qabashada waxa uu:
a) ku wargeliyaa qofka la xidhayo nuxurka amarka qabashad.
b) in uu u xidho ama u qabto qofka la qabanayo sida ugu dhakhsaha
badan.
3- Xaaladda Sadexaad:Xadhigga Dadka looga Shakiyo in ay Galeen Denbi:
Sarkaalka Booliska ahi
waxa uu xidhi karaa qofka isagoo aan Amar Maxkamadeed haysan:
Haddii uu qofka ka
shakiyo ayna jirto xaalad lagama maarmaan ah oo degdeg ah, ayna jiraan caddaymo
la rumaysan karo oo sheegaya in:
a) qofka la xidhayaa uu galay ciqaabtiisa ugu badani tahay xadhig ka
badan 2 sano ama ciqaab ka culus.
b) xiligaasna aan la heli karin amar Maxkamadeed oo xidhitaan ah.
c) sidoo kale marka ruuxa ay tahay in la xidho aan la heli doonin
haddii aan si degdeg ah loo xidhin.
Sidoo
kale Sarkaalka Booliska ahi wuxuu xidhi karaa isagoo aan wadan amar
xidhitaan qof kasta oo si sharci ah looga codsaday in uu sheego macluumaadkiisa
shakhsi oo faahfaahsan, kaasoo:
A. Diida in uu sheego faahfaahin dhamaystiran oo macluumaadkiisa
shakhsi ah oo uu ku jiro cinwaankiisu.
B. U sheega macluumaad Sarkaalka Booliska ah ee ka codsaday si la
rumaysan karo ugu arko in ay been yihiin.
W/Q: Khaalid Jaamac Geelle
Xogtan oo
Dhamaystiran ugu laabo Buugga Barashada Cilmiga
Qaanuunka.
Walaal adigo mahadsan ma ii shegi mesha aan ka heli karo Buuga Barashada Cilmiga Qanunka
ReplyDelete
DeleteWalaal adigo mahadsan ma ii shegi mesha aan ka heli karo Buuga Barashada Cilmiga Qanunka
Waan ka helaye
ReplyDelete