Codsiga Magdhowga madaniga ah inta ay socoto Dacwad Ciqaabeed: Qodobka 129aad XHC
Inta lagu guda
jiro dacwadaha ciqaabta ah dhibanaha dhibtu ka soo gaartay danbigii dhacay,
waxaa u furan in uu maxkamadda u gudbiyo codsi magdhow madani ah, oo la xiriira
khasaarihii dhibanaha ka soo gaadhay fal danbiyeedkii dhacay, codsiga magdhowga
waxaa maxkamadda lo gudbin karaa ka hor gabagabada xafiiska xeer ilaalinta ee
ku xusan qodobka 119aad ee XHCS, codsigan waxaa lagu gudbin karaa qoraal ahaan
ama hadal ahaan, waxaane maxakamadda u gudbin kara dhibanaha laftiisa, ama
wakiilkiisa sharciga ah, fiiri qodobka 14aad ee XHCS.
Marka
maxkamaddu ku hesho eedaysanaha in uu galay dambiga si waafaqsan qodobka 123aad
ee XHC, haddii dhibanuhu weydiistay magdhow, waxa ay go’aan ka gaaraysaa
codsiga dhibanaha ee la xidhiidha magdhowga khasaarihii ka soo gaadhay fal
dambiyeedkiisa, waxayna go’aansan kartaa in xukunka ciqaabta ah la raaciyo iyo
in la diido codsiga dhibanaha iyadoo sababaynaysa.
Sababaha Maxkamaddu ku diidi karto codsiga magdhowga dhibanaha:Q.130aad
Maxkamaddu
waxay ku diidi kartaa codsiga dhibanaha ee la xidhiidha magdhowga khasaarihii
masuuliyadda madaniga ah ee dhibanaha kasoo gaartay danbigii eedaysanaha
sababahan hoos ku xusan midkood:
1.
In aan loo
samaynin codsiga si waafaqsan faqradda 3aad ee qodobka 14 XHC, oo ahayd in
codsiga loo gudbiyo maxkamadda ka hor gebagebada xeer ilaalinta eek u xusan
qodobka 119aad XCH.
2.
In ruuxa
codsiga sameeyay aanu ahayn dhibanihii ama wakiilkiisa sharciyeed.
3.
In qofka
codsigu lidka ku yahay aanu masuuliyad madani ah xanbaari karin si waafaqsan
xeerka madaniga ah.
4.
In uu ka furtay
dhibanuhu dacwad madani ah oo uu ku dalbanayo in la siiyo madhowgii khasaarihii
soo gaadhay.
5.
In dhibanuhu uu
kala heshiiyay eedaysanaha wixii la xidhiidhay magdhowga.
6.
In xadiga
magdhowga uu dalbanayo dhibanuhu ay ka badantahay ikhtisaaska qaybta madaniga
ee maxkamadda dacwadda lagu qaadayo.
7.
In codsiga
magdhowga madaniga ah aan si buuxda looga go’aan qaadan karin isagoo u baahan
caddaymo cusub ama sababo kale.
Marka
xaaladahan oo kale jiraan maxkamaddu waxa ay soo jeedinaysaa in aan codsigii
magdhowga dhibanaha la ogolaan, waxayna usoo jeedinaysaa in uu furto dacwad
madani ah.
Fiiri qodobka
130 iyo 131 XHC.
Xidhiidhka ka dhexeeya Dacwadaha Ciqaabta ah iyo Dacwadaha Madaniga ah:
Xidhiidhka
labada dacwadood waxaa saldhig u ah, laba arimood oo oo kala ah:
A.
Joojinta dacwadaha
madaniga.
B.
In uu
saamaynayo xukunka ciqaabta ah.
Mabda’a joojinta dacwadda madaniga ah inta go’aan kama danbays ah laga gaadhayo dacwadda ciqaabta ah: Qodobka 272aad.
Inta lagu guda
jiro dacwadda madaniga ah haddii ay soo if baxdo dacwad ciqaab ah oo la
xidhiidha tan madaniga ah waxaa khasab ah in la joojiyo dacwadda madaniga ah
lana dhaqaajiyo dacwadda ciqaabta ah, dacwadda madaniga ahna lama socodsiin
karo ilaa dacwadda ciqaabta ah go’aan kama danbays ah laga gaadho, sidoo kale
dacwadda ciqaabta ah oo socota lama bilaabi karo, dacwad madani ah, oo xidhiidh
la leh dacwadda ciqaabta ah ee taagan[1].
Saameynta xukunka ciqaabta ah:
Ma jiri karto
dacwad madani ama maamul oo la bilaabi karaa ama la socodsiin karaa ama dib loo
furi karaa, xiliga dacwad ciqaaba ay Maxkamadu ku dhawaaqday:
1.
In aan wax
danbi ahi dhicin.
2.
In aan
ee/sanuhu gelin.
3.
In falka lagu
galay
A.
gudasho waajib
B.
adeegsiga xaq
sharci ah.
4.
In aan la helin
cadaymo ku filan oo tilmaamaya:
A.
In danbi la
dhacay
B.
in ee/sanuhu
yahay qofkii danbigaa galay.
Tusaale ahaan:
Sarkaal booliis
ah ayaa waxa lagu soo eedeeyay, qodobka 461 ee XCS, oo ah xadhig sharci darro
ah, haseyeeshee marki dacwaddii la dhegaystay waxay maxkamaddii go’aamisay, in
sarkaalku marka uu xidhayay qofka uu gudanayay waajibkiisa shaqo uuna kusoo
xidhay sifo sharci ah oo ah soo xidhista qofka looga shakiyo danbi, kadib
go’aankii maxkamadda ayuu dhibanihi furtay dacwad madani ah asigoo dalbanaya
magdhow, maxkamadii wey diiday dacwadaas maadama danbigii la sheegay in
khasaaruhu uu ka dhashay lagu waayay eedaysanaha.
Halkan ka Degso Xeerka Ciqaabta Guji Halkan
Halkan ka Degso Xeerka Madaniga Guji Halkan
Laalida
dacwadaha madani, Maamul ama anshax-marineed
Haddii qof lagu oogo dacwad
ciqaaba oo sababta dacwadaasi saamaynayso dacwad madani ah, maamul ah ama
dacwad anshax-marineed, kuwa danbe waa laalaanayaan haddii aan sharcigu si ka
duwan u sheegin ilaa xukunka dacwada ciqaabta ah ama amarka lagu oodayaa uu kama
danbays noqdo ama uu ka soo baxayo amar dacwada lagu xidhayaa.
0 التعليقات:
Post a Comment