Habka Duridda Xukunadda Dacwadaha Ciqaabta


Habka Duridda Xukunadda Dacwadaha Ciqaabta

Racfaan u Qaadashada Maxkamadda Racfaanka

Qodobada 208-231aad.

Yaa racfaan u qaadan kara maxkamadda racfaanka:

Qodobka 208aad:
Waxaa maxkamadda racfaanka racfaan u qaadan kara dhinac kasta oo kamida dhinacyada dacwadda oo racfaanka dani ugu jirto.
Laakinse waxaa jira xaalado aan eedaysanaha ama xeer ilaalinta loo ogolayn in ay racfaan qaataan, xaaladahaasi waxa ay kala yihiin:
1.      Eedaysanuhu kama racfaan qaadan karo xukunka denbiilenimadiisa ee uu isagu u qirtay denbiilenimadaas si waafaqsan tilmaamaha xeerkan.
2.      Xeer-ilaalintu ma qaadan karto racfaan lid ku ah amar oodis dacwadeed oo lagu soo saaray ka talo galin aanay xeer-ilaalintu is hortaagin soo saarista amarkaa si waafaqsan tilmaamaha xeerkan.

Dhinacyada racfaanka Qaadan kara:

Xukunka maxkamadaha derajada 1aad waxaa racfaan ka qaadan kara:
1.      Eedaysanaha:
Qodobka 209aad:
Eedaysanuhu racfaan waa u qaadan karaa shakhsi ahaan ama iyadoo ay u qaadayaan wakiiladiisa gaarka ahi.
Haddii eedaysanaha lagu soo saaro xukun Dil ah, qareenkiisa dacwada ka difaacayay, wuu u qaadi karaa racfaan, isagoo aan haysan igmasho gaar ah, xataa haddii aanu sidaa doonayn qofka la xukumay.
Waalidka caruurta yar-yar iyo wakiiladooda qaanuuneed ee xanaanooyinku, xataa haddii aanay lahayn xaqa gaadhsiinta xukunka way u qaadi karaan racfaan.
2.      Xafiiska Xeer ilaalinta:
Qodobka 210aad:
Racfaan wuu qadimi karaa xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ama qofka dacwada uga wakiil ahaa.

3.      Dhinaca Dhibanaha:
Qodobka 220aad:
Racfaanada dacwadaha ciqaabta ah ee dhibanaha ama eedaysanaha ee lidka ku ah khasaaraha madani ee lagu soo saaro si waafaqsan Qod: 131, waxaa keliya oo la ogolaanayaa marka racfaanka lidka ku ah xukunka ama siidaynta uu qadimo eedaysanaha ama xafiiska xeer-ilaalinta.

       Maxkamadaha Qaada Dacwadaha Ciqaabta  Guji Halkan

Habka Racfaan Qaadashada

Qodobka 212aad:
Habka racfaanka loo qaadanayo waxa ay noqon kartaa, afka sheegid ama qoraal.
Waana in la helaa arji racfaan qaadasho, arjigaasna waa in laga helaa arimahan:
1.      Sumadda xukunka, go’aanka amarka ama qaraarka laga qaatay racfaanka.
2.      Taariikhda xukunkaas ama amarkaasi soo baxay.
3.      Magaca xafiiska soo saaray.
4.      Muujinta asbaabta racfaanka.

Asbaabta Racfaanka:

Qodobka 216aad:
Asbaabta racfaanku waa in ay noqotaa mid faahfaahsan oo sharci ku dhisan, isla markaana waa in ay tahay mid cayiman haddii aysan cayinayn lama aqbalayo.
Asbaabta racfaanka waa lagu dhex sheegi karaa  arjiga racfaanka, haddii aan lagu dhex sheegina waa in lagu keenaa qoraal uu saxiixay qofka racfaanka qaadanaya ama wakiilkiisa gaarka ah ama qareenkiisa.
Asbaabta maxkamadda racfaanka racfaan loogu qaadan karo waa asbaab ku salaysan fal iyo xeer intaba, ama haddii si kale loo dhigoo gef la xidhiidha dhacdooyinka dacwadda iyo gef ku saabsan sharciga.

Fiiri qodobka 10aad ee XNG.

         Goormaa Qofka Lagu Sii Deyn karaa Damaanad? Guji Halkan

Ogaysiinta Racfaanka:

Qodobka 213aad:
Ogaysiinta racfaanka waxaa loo gudbinyaa kaaliyaha Maxkamada soo saartay amarka ama xukunka laga racfaan qaadanayo.
Haddii qofka racfaanka qaadanayaa xidhan yahay, ogaysiinta racfaanka waxaa loo dirayaa maamulka haya qofka xidhan, maamulkaasina waa in uu markiiba u gudbiyaa ogaysiinta racfaanka kaaliyaha Maxkamada xukunka ama go’aanka laga racfaan qaadanayo soo saartay.

Waqtiga Ogaysiinta Racfaanka:

Qodobka 214aad:
Mudada racfaan gudbintu waxa ay ku xadidan tahay:
1.      30 casho, haddii racfaanku lid ku yahay xukun oo ka bilaabanaysa maalintii xukunkaa lagu dhawaaqay.
2.      15 casho, haddii racfaanku lid ku yahay go’aan kale oo garsoor oo ka bilaabanaysa:
a)     Maalinta la soo saaray go’aankaas, iyadoo dhinacyadu goob-joog yihiin.
b)     Dhinacyada aan joogin la gaadhsiiyay.

Xalaalaynta Muddo Dhacday:

Isla qodobka 214aad wuxuu sheegayaa in Maxkamada Sare iyo Maxkamada racfaanku ay u kordhin karaan go’aan ay qolka tashiga ku qaataan, waqtiga gudbinta racfaanada lidka ku ah xukumada ama go’aamada Maxkamadaha hoose, markay xaqiijiyaan in aan eedaysanuhu waqtiga u xadidan gudbinta racfaanka ku gudbin kari waayay sababo ka baxsan awoodiisa.

Dabaqaada Racfaanka Dad Badan:

Qodobka 217aad:
Haddii xukunka maxkamaddu uu kuwada dhacay eedaysanayaal badan, duritaanka iyo asbaabta racfaankana uu hal eedaysane oo keliya soo jeediyo waxay waxtar u leedahay duritaankaasi oo kawada faa’idaysanaya dhamaan eedaysanayaasha oo dhan, haddii duritaanka iyo asbaabta racfaanku aysan ku saabsanayn sifooyin shakhsi ah oo qofkaas u gaar ah.



       Horgeynta Eedaysanaha Maxkamadda  Guji Halkan

Dirista Qoraaladda Racfaanka:

Qodobka 222aad:
Marka ay soo dhamaystirmaan shuruudaha racfaan qaadashadu, kaaliyaha maxkamadda soo saartay xukunka ama go’aanka waa in uu si degdeg ah  ugu diraa kaalinta racfaanka loo qaatay, nuqulka gal-dacwadeedka iyo go’aanka laga racfaan qaatay iyo ogaysiinta iyo asbaabta racfaanka iyo weliba dhukumenti kasta ama qoraalkasta oo dacwada khuseeya.

Kaalinta galka diraysa waa in nuqul ka mida qoraalada la dirayo uu u hadhaa, waana in ay ku lifaaqdaa galka ay dirayso warqad koobaysa warqadaha ku jira galka, kaalinta racfaankuna loo keenayna xil baa ka saaran u gudbinta galkaas iyo qoraaladdaas guddoonka ku shaqada leh, diiwaangelinta galkaas iyo wixii la mid ah, waana in ay hubaal celin ka bixiso in ay heshay galkaas.

Dhegaysiga Racfaanka:

Maxkamadda racfaanku markay ay dhegaysanayso racfaanadda laga soo qaatay, xukunadda maxkamadaha hoose, waxay raacaysaa tilmaamaha la xidhiidha dhegaysiga dacwaddda ee maxkamadda derejada 1aad ilaa iyo inta ay suurtagal tahay in la dabaqo.

Marka la furo fadhiga dhegaysiga dacwadda racfaanka ah, racfaanlaha waxaa laga rabaa in uu faahfaahiyo asbaabta racfaankiisa, kadibna dhinaca kale ayaa la siinayaa fursad uu kaga jawaabo, dhinacyadu way samayn karaan soo jeedin, sida is hortaagyo, wayna soo bandhigi karaan dalabyo iyo codsiyo ay u arkaan wax tar, iyagoo aragtidooda kasoo jeedinaya arrimo xeer iyo xaqiiqo oo ay aaminsan yihiin in maxkamaddu oggolaanayso.

Fiiri qodobka 231aad.

Haddii racfaanku lid ku yahay xukun ama siidayn, oo ay Maxkamadu u aragto in aanay kaga go’aan qaadan karayn cadaymaha horyaal, waxay amri kartaa:
·        In dib loo dhegaysto dacwada dhammaanteed ama qaybteed.
·        In ay su’aalo waydiiso maragyo derejadii hore lagu soo dhegaystay, kuwaas oo laga yaabo in ay cadeeyaan arrimo aan hore loo tixgelin.
·        Ay qaado cadaymo cusub
·        Ay dib u dhegaysato maragyo khabiir.


Go’aamada Maxkamada Racfaanka:

Qodobka 229aad:
Maxkamadda Racfaanku waxa ay ka go’aamin kartaa dacwaddii racfaanka looga soo qaatay:
1.      In ay ayyido xukunkii maxkmaddii hore.
2.      In ay wax ka bedesho xukunkii maxkmaddii hore.
3.      In ay tirtirto xukunkii hore xukun cusubna soo saarto.
4.      In ay dacwadda dib ugu celiso maxkamadihii derejada 1aad.

Haddii Maxkamadda Racfaanka ay u cadaato in aysan Maxkamadda derajada 1aad iyadu ikhtisaas u lahayn dhegaysiga dacwada ama ay u cadaato in xukunkeedu yahay baaba’a, markaa waxay ku dhawaaqaysaa in dacwada dib loogu celiyo Maxkamada awooda u leh si loogu soo dhegaysto.

U Cabashada Maxkamadda Sare

Qodobada 232 ilaa 236aad.

Eedaysanaha ama xafiiska xeer ilaalintu, labadadoodaba waxaa u furan in ay maxkamadda sare u qaataan cabasho lid ku ah xukun ama go’aan ku saabsan aqbalid la’aanta racfaanka, ee maxkamadda racfaanku soo saartay. Fiiri qodobka 232aad ee XHC.

Maxkamadda sare waxaa u furan in ay toos u dhamayso racfaanka ama dib ugu celiso maxkamadaha hoose. Fiiri qodobka 241aad ee XHC.

U cabashada maxkamadda sare, waxaa la aqbali karaa oo keliya, asbaab sharci oo ah kuwa hoos ku xusan:
1.      Ikhtisaas la’aanta maxkamadda hoose.
2.      Ku xadgudub ama khalad u dabaqidda qodob qaanuuneed.
3.      Baaba’a xukunka
4.      Asbaab la’aanta xukunka, ama asbaabta oo aan ku filayn ama is khilaafka asbaabta.

Fiiri qodobka 232aad ee XHC.

Go’aan Gaadhista Cabashada Maxkmadda Sare

Maxkamadda sare marka ay dhegaysato cabashada loo soo qaatay, wax ay qaadan kartaa go’aanada soo socda midkood:
1.      Waxay diidi kartaa cabashada iyadoo samaynaysa sixitaanka lama huraanka ah ee khalad kasta oo sharci ee a xidhiidha, asbaabta lagu saleeyay xukunka, iyadoo ay tahay khaladkaasi in aanu saamaynaynin nuxurka xukunka.
2.      Waxay burinaysaa xukunkii cabashada laga soo qaatay, dacwaddana waxa ay dib ugu celinaysaa maxkamadaha hoose.
3.      Waxay burinaysaa dhamaantii ama qayb ka mida ah xukunka laga soo cabtay, marka aan caddaymo dheeri ah loo baahnayna waxay go’aan ka gaadhaysaa dulucda dacwadda, marka caddaymo dheeri ah loo baahan yahayna, waxay dacwadda dib ugu celinaysaa maxkmadda hoose.

Xukunka maxkamadda waxaa qoraal ku soo saaraya guddiga garsoorayaasha ah ee dhegaystay dacwadda mana jireyso racfaan laga qaadan karo xukunka maxkamadda sare ee dalka.

Fiiri qodobada 233aad iyo 236aad ee XHC.


      Hawlaha ka Horeeya Dhegaysiga Dacwad Ciqaabeedka? Guji Halkan

Dib u Eegista Maxkamadda Sare

Qodobka 237aad – 243aad.

Qodobka 238aad:
Markasta oo qofka uu ku dhaco xukun aan racfaan ka furnayn, wuxuu awood u leeyahay in uu qaato dib u eegis, haddii la helo asbaabtan mid ka mida:
1.      Mar kasta oo ay cadaato in dib laga helay marag muujin ku filan kaligeed, ama markii arimo kale lagu daro, taaas oo caddaynaysa in aanu danbiba dhicin, ama eedaysanahu uusan ahayn kii danbiga galay.
2.      Haddii ay cadaato in xukunka loo cuskaday natiijo ay sababtay fal been ah, ama fal kale oo sharcigu dembi u aqoonsaday, iyadoo ay tahay in xukun kama danbays noqday uu kasoo baxay natiijo ahaanta falkaas beenta ah ama dhukumiintigaas beenta ah.
3.      Haddii marag muujinta lagu xukumay ay muuqato in xukun kale oo aan racfaan ka furnayni ku fasiray ama ku tilmaamay si ka duwan fasiraadda xukunka laga soo qaatay dib u eegista.

Si kastoo ay ahaataba Codsi kasta oo dib u eegis ahi waa in uu ku salaysan yahay xaqiiqo ama cadayn, haddii la soo bandhigo cadaynaysa:
1.      In aan denbiga la gelin, haddii la galayna aanu ahayn eedaysanaha kan galay.
2.      Ama In aanay jirin waxa cadayn ah oo sheegaysa in denbi la galay ama in haddii la galay uu yahay eedaysanuhu qofka galay.
Haddii kale codsiga lama aqbalayo.

Goormaa Dib u Eegis la Qaadan Karaa?

Majirto dib u eegista waqti u xadidan ee markastoo la helo asbaabta iyo shuruudaha dib u eegista waa la qaadan karaa, xita haddii ciqaabtu dhamaatay ama ay dhacday.
Fiiri qodobka 237aad.

Yaa dib u Eegis Qaadan Kara?

Qodobka 239aad:
Dib u eegis waxaa qaadan kara:
1.      Qofka xukuman
2.      Xeer-Ilaaliyaha guud
3.      Faraca (ubadka), asalka (waalidka) ama xaaska/sayga qofka la xukumay, haddii qofkii la xukumay dhintay.

Arjiga dib u eegista waxaa loo soo gudbin karaa qof ahaan ama waxaa soo gudbin kara wakiiladiisa gaarka ah, waxaana loola soo gudbinayaa isagoo ku lifaaqan yihiin dhukumentiga taageeraya, dib eegita, waxaana loo geynayaa kaaliyaha Maxkamada Sare.

Dhegaysiga Dib u Eegista:

Qodobka 240aad:

Gudoomiyaha Maxkamada sare markuu helo codsiga dib u eegista iyo dhukumentiga qiimogalka ah, wuxuu Maxkamada ku kulminayaa tashiga, si hordhac ahna waxay uga go’aan gadhayaan haddiiba arjigu yahay mid la aqbalayo.
Haddii shuruudihii arjiga lagu qaban lahaa maqan yihiin ama arjigu uu si buuxda ugu muuqdo mid aan sal lahayn, Maxkamadu waxay ku dhawaaqaysaa in aan la aqbalin.

Qodobka 241aad:

Haddii Maxkamada Sare ogolaato codsiga, dhegaysiga waxaa lagu samaynayaa Maxkamad furan.
Maxkamada Sare goortaas waxa ay qaadaysaa talaabooyinka midkood:
1.      Haday hesho in xaqiiqda iyo cadaymaha muujinayaan in arjigu si fiican u dhisan yahay, waxay dhinac isaga leexinaysaa xukunka.
2.      Haday hesho in baadhis dheeraadi tahay lama huraan, sidii hore waxay dhinac isaga leexinaysaa xukunka, waxay dacwada u gudbinaysaa Maxkamada ikhtisaaska u leh si ay ugu soo dhegaysato sidii caadiga ahayd.
3.      Haddii codsiga dib u eegistu aanu buuxin shuruudihii waxay diidaysaa codsiga.


Codsiga Magdhowga Khasaaraha

Qododbka 243aad:
Xukumanaha lagu siidaayo dacwad dib u eegis wuu u soo gudbin karaa codsi Maxkamada Sare uu ku codsanayo in khasaaraha uu bixiyo qaranku.
Maxkamada Sare waxay tashi ku go’aaminaysaa haddiiba loo soo qaadayo khasaare iyo xadiga loo soo qaadayo, iyadoo Maxkamadu ku xisaabtamaysa khasaaraha maadi iyo mooraal ee qofka xukunaa la dhibaatooday natiijada xukunkaa la tuuray dartii.
Qaranku wuxuu ka magdhaban karaa kharashkaa, ilaa xadka sharcigu ogol yahay, qofkasta oo kas qasdi denbi u sababay xukunka khaldan.



    Halkan ka Degso Xeerka Ciqaabta  Guji Halkan 


   Halkan ka Degso Xeerka Madaniga Guji Halkan

Hawlaha ka Horeeya Dhegaysiga Dacwadda Ciqaabeed

Hawlaha ka Horeeya Dhegaysiga Dacwadda Ciqaabeed

Shaqada Xeer ilaalinta ka hor dhegaysiga Dacwadda:

Qodobka 70aad ee XHC.

Marka xafiiska xeer ilaaliyuhu helo warbixinta booliiska iyo gungaadhkiisa goortaa waxaa la gudboon sadex arimood mid inuu yeelo:

1.      Haddii ay ula muuqato in dambi dhacay uuna galay eedaysanuhu, lana hayo marag muujin maxkamad lagu hor keeni karo, wuxuu goorta:
A.    Qorayaa xaashida ama warqadda eedaynta, sida ku xusan qodobka 71aad ee XHC.
B.     Wuxuu hordhigayaa eedda maxkamadda awoodda u leh.
C.     ka codsanayaa Maxkamadda inay cayinto taariikhda dhegaysiga dacwada iyo in ay qaado talaabooyinka lama-huraanka u ah dhegaysiga dacwada.


2.      Haddii ay ula muuqato xafiiska xeer ilaalinta in marag muujinta lasoo ururiyay aysan ahayn mid ku filan oo eedaysanaha maxkamad lagu horgeyn karo ama uusan ahayn eedaysunuhu qofka danbiga galay, waxaa markaa xafiiska xeer ilaalinta u furan oo uu  awood u leeyahay laba arimood midood:
A.    In uu amro in baadhis kale la sameeyo, hadduu filayo in baadhitaanadaasi ay keeni doonaan cadaymo hor leh oo wax iftiiminaya.
B.     In uu xidho gal dacwadeedka oo dacwadda oodo sida ku tilmaaman qodobka 72aad ee XHC.

3.      Haddii ay u cadaato xafiiska xeerka ilaalinta:
1)     in aan la galin danbi.
2)     in danbiga uusan gelin eeddaysanuhu.
3)     in eedaysanuhu aanu ahayn eed qaad/ mid qaadi karaya masuuliyad danbi:
a)     uu yahay qof qaba xanuun maxkaxeed ayna maqantahay kartidiisi garashada, qodobka 50 XC.
b)     Qofku aanu ahayn marka uu danbiga galay mid da’diisu gaadhay 14 sano, qodobka 59aad ee XC.

4)     In Danbigu Baaba’ay:
a)     Eedaysanaha oo geediyooday awgii, Qodobka 143aad ee XC.
b)     Eedaysanaha oo la Cafiyay awgii, Qodobka 145aad ee XC.
c)     Dhibanaha oo ashkatadii la laabtay.
d)     Dhibanaha oo isagoo aan ashkato soo gudbin geeriyooday.
e)     Khilaafaadkii la dhameeyay si waafaqsan qodobka 146XC.

5)     In aan dacwad lagu oogi karin eedaysanaha, sababtoo ah:
a)     Danbiga taagani uu yahay mid lagu oogo cabashada dhibanaha cabashadiina aan la samaynin.
b)     Isla dhacdadan/danbigan in si kama danbays ah loogu xukumay, ama loogu waayay, ama si sharci ah loogu ooday.
c)     Ogolaanshihii lagama maarmaanka u ahaa oogitaanka dacwadda, oo aan la bixin amase ladiiday[1].
d)     Mudadii dhaqaajinta dacwadda ee danbiga u dhignayd oo dhacday.

Xaaladahan kor ku xusan haddii midkood la helo  Xeer Ilaaliyaha Guud, isagoo sababaynaya soona bandhigaya cadaymaha arrinta ku haboon, wuxuu ka codsanayaa Maxkamadda ikhtisaaska u leh in ay baabi’iso dacwada kana qaadato talaabooyinka kale ee ku haboon.

       Maxkamadaha Qaada Dacwadaha Ciqaabta  Guji Halkan

Qaabka Qorista Xaashida Eedda

Qodobka 71aad ee XHC.

Shaqada ugu horeysa ee laga sugayo xafiiska xeer ilaalinta marka uu ku qanco gungaadhka booliiska, ayna la noqoto in eeddaysanuhuna yahay cidda geysatay, waa qorista xaashida eedda, sida ku cad qodobka 71aad ee XCH.
Xaashida Eeddu waxay noqonaysaa laba nuqul oo isku mid ah oo ay ku qoran yihiin;
1.      magaca hay’ada samaysay xaashida eeda.
2.      taariikhda la soo saaray.
3.      astaamaha guud ee eedaysanaha ah, haddii aan la garanayn, tilmaamo kale oo caqligal ah oo si suggan loogu aqoonsan karo.
4.      denbiga lagu eedeeya oo uu weheliyo hadal qeexan oo muujinaya falka dhismaha denbigu ku qotomo oo ay ku jirto waqtiga dhacay iyo goobta denbigu ka dhacay iyo qofka ama shayga denbiga laga galay.
5.      Sharciga, iyo Qodobada xeerka ah ee lagu xadgudbay.
6.      Xusida duruufaha cuslaynta, marka laga reebo caadaystanimada danbiga, iyo duruufaha keeni kara in talaabooyin ammaan laga qaado iyo qodobada ay kuwaasi la xidhiidhaan.
7.      Astaamaha guud ee qofka dhibanaha ka ah denbiga iyo qofka duruufaha denbigu muujiyeen in uu noqday bilaa dembi.
8.      Tilmaamida haddiiba eedaysanaha uu yahay mid lagu hayo ku meel gaadh ah ama uu yahay dibad joog.
9.      Saxeexa masuulka sameeyay eeda iyo shaambada xafiiska.

Haddii eeddaysanaha lagu eedeeyay hal danbi wax ka badan waa in mid mid loo lanbariyaa ama loo qoraa, sidoo kale haddii eedaysanayaashu ka badan yihiin hal qof waa in xaashida eedda  lagu muujiyaa cid walbo oo dambiga loo haysto ama lagu eedeynayo, iyo astaamaha eeddaysane walba u gaarka ah.

Inta lagu guda jiro dhegaysiga dacwadda ee maxkamadda darajada 1aad xafiska xeer ilaalnta waxaa u furan in uu wax ka badalo eedda marka ay maxkamaddu ka ogolaato, markaana waxaaa dhinacyada u furan in ay codsadaan  in dhegeysigii marqaatiyada hore loo dhegaystay lagu celiyo iyo in lasoo bandhigo caddeymo cusub oo la jaanqaadi karo wax ka badalka eedda, sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta waxaa u furan, kadib markii ay maxkamaddu ka ogolaato in uu la laabto eedda ka hor inta aan la soo gababayn dhegaysiga dacwadda maxkamadda darajada 1aad, fiiri qodobada 111aad iyo 112aad ee XHC.

         Goormaa Qofka Lagu Sii Deyn karaa Damaanad? Guji Halkan

Oodista Dacwadda ama Gal Xidhista

Qodobka 72aad ee XHC


Marka ay ula muuqato xafiiska xeer ilaalinta in marag muujinta lasoo ururiyay aysan ahayn mid ku filan oo eedaysanaha maxkamad lagu horgeyn karo ama uusan ahayn eedaysunuhu qofka danbiga galay, waxaa xafiiska xeer ilaalinta u furan oo uu  awood u leeyahay laba arimood midood:
A.    In uu amro in baadhis kale la sameeyo, hadduu filayo in baadhitaanadaasi ay keeni doonaan cadaymo hor leh oo wax iftiiminaya.
B.     In uu xidho gal dacwadeedka oo dacwadda oodo sida ku tilmaaman qodobka 72aad ee XHC.

Haddii go’aanka oodista dacwaddu uusan xeer ilaaliyaha guud laftigiisu qaadan, xafiiska go’aankaas qaadanaya, wuxuu nuqul go’aankiisa ah u dirayaa xeer ilaaliyaha guud, kaas oo ansixin kara go’aankaas ama dalban kara in loo keeno dhamaan galka dacwaddaas khuseeya.

Xeer ilaaliyaha guud marka uu darso gal dacwadeedka uuna arko in uusan haboonayn go’aanka oodistu, wuxuu baab’inaya go’aankii xafiisku soo saaray, wuxuuna amrayaa:
1.      In dacwaddii lagu oogo eedaysanaha.
2.      Ama in baadhis cusub oo dheeraada loo diro dacwadda.

Haddii uu go’aansado xeer ilaaliyuha guudi oodista dacwadda wuxuu go’aankiisa oodista:
1.      U dirayaa maxkamadda awoodda uleh, taas oo qaadaysa talaaboyinka ku xusan Q.76aad.
2.      Wuxuu go’aankaas ogaysiinayaa eedaysanaha.

Haddii xeer ilaaliyaha guudi uu ansixiyo go’aanka oodista dacwadda, haddii mar danbe la helo caddaymo cusub, kuwaas oo keligood ama marka kuwii hore ay is biirsadaan bayaaminaya in danbi dhacay, eedaysanuhuna uu danbigaas galay, wuxuu tirtirayaa xeer ilaaliyaha guudi go’aankii oodista dacwadda.

Waa maxay Farqiga u Dhexeeya Oodista Dacwadda iyo Eed la Laabashada:

Arinta gal xidhista ee ku xusan qodobka 72aad ee XHC iyo eed la laabashada maxkamadda horteeda ka dhacda ee ku xusan qodobka 112aad ee XHC, waxa ay ku kala duwan yihiin arimaha hoos ku xusan:
1-     Gal xidhistu ama oodistu waxay ka horeeysaa dhagaysiga dacwadda, eed la laabashaduna waxa ay ka hor dhacdaa maxkamadda horteeda, inta lagu jiro dhegaysiga dacwadda.
2-     Go’aanka laga soo saaro eed la laabashada, inta lagu guda jiro dhegaysiga dacwadda waxa uu la mid yahay xukun oo eedaysanaha markale laguma soo oogi karo isla danbigii hore loogu soo eedeeyay, laakinse gal xidhista ama oodista dacwadda inta aysan bilaabmin dhacda lama mid aha xukun, haddii cadaymo kale oo cusub ay soo baxaan xafiiska xeer ilaalintu wuxuu awood u leeyahay in uu isla dacwaddii markale soo oogo.
3-     Gal xidhis kasta waxa ay u baahantahay ogolaanshaha xeer ilaaliyaha guud laf ahaantiisa, laakinse eed la laabashada timaada marka lagu guda jiro dhegaysiga dacwadda maxkamada horteeda, waxaa la eegayaa ciqaabta ku xusan dembiga eedda, haddii denbiga ciqaabtiisu ka yartahay sadex sano oo xadhig ah, uma baahna ogolaanshaha xeer ilaaliyaha guud laf ahaantiisa, ee waxaa eedda la laaban kara cidda markaa xafiiska matalaysa, dambiyada ciqaabtoodu ka badan tahay 3 sano oo xadhig ah waxaana loo baahanyahay ogolaansho qoraal ah, oo uu soo qoray xeer ilaaliyaha guud laf ahaantiisu, fiiri qododka 6aad ee xeer LR1 ee soo baxay 17 february 1968dii, kaas oo wax lagaga badalay Xeerka Habka Ciqaabta.


Ogolaanshaha ku Oogidda Dacwo Ciqaabeedeed:

Qodobka 74aad

Xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sre laguma soo oogi karo dacwad ciqaabeed, haddii aan fasax loo haysan, cidda kaliya ee fasixi karta in xildhibaan lagu oogo dacwad ciqaabeed waa golaha uu ka tirsan yahay xildhibaanku, ha noqdo golaha shacabka ama aqalka sare, sida ku cad qodobada 70aad iyo 78aad ee Dastuurka KMG ah.
Sidoo kale xubnaha Hay’adaha garsoorka sida garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha laguma oogi karo dacwad ciqaaab ah haddii aan fasax looga haysan golaha adeegga garsoorka, sida uu qabo faqradda 3aad ee qodobka 106aad ee dastuurka KMG ah.

Sidoo kale waxaa xasaanad ama dhawrsanaan leh:
A.    Hanti-dhawrayaasha.
B.     Gudoomiyaasha gobol.
C.     Gudoomiyaasha Degmooyinka.
D.    Gudoomiyayaasha Golayaasha Deegaanka.

Xaaladoodana waxaa lagu dabaqayaa sida uu jideeyay qodobka 74aad ee XHC, oo qeexaya in aysan jiri karin dacwad oogid lagu samayn karo, haddii aan marka hore laga haysan ogolaansho rasmi ah oo qoraal ah wasiirka awqaafta iyo cadaaladda.

       Horgeynta Eedaysanaha Maxkamadda  Guji Halkan


Shaqada Garsooraha ka hor Dhegaysiga Dacwadda


Muddaynta taariikhda Dhagaysiga dacwadda & talaaboyinka la xidhiidha:

Qodobka 75aad
Garsooraha awoodda u lihi marka ay soo gaadho xaashida eedda ee kasoo baxday xafiiska xeerka ilaalinta waa:
1.      In uu muddeeyaa dhageysiga dacwadda, meesha iyo saacadda la qaadi doono.
2.      In uu qoraa qoraalka warqadda soo wadista ama u yeedhidda eedaysana iyadoo lagu lifaaqayo warqaddii eedaynta.
3.      In la amro gaadhsiinta muddaynta dooda eedaysanaha, xeer ilaalinta, dhibanaha iyo markhaatiyaasha.
4.      In loo qabto eedaysanaha qareen marki sharcigu qasab ka dhigayo, asaguna uusan awoodin in uu qabsado qareen difaaca.

Ooditaanka Dacwadda marka dhinacyadu dalbadaan:

Qodobka:76aad

Dhanka kale marka ay garsooraha soo gaadho gal xidhista ku xusan qodobka 72aad ee XHC, garsooraha waa in uu amraa siidaynta eedaysanaha si degdeg ah, haddii eedaysanuhu ku xiranyahay xabsiga, waxaa kale oo uu garsooruhu amrayaa tirtirada talaabooyinka amaan, haddii ay jiraan talaabooyin nabadgelyo, haddii eedaysanuhu uu ku jiray damaanad uuna haystay xoriyad KMG ah, wuxuu amrayaa in la baabi’iyo ama la tirtiro culayska damaanadeed ee lagu waajibiyay si waafaqsan tilmaamaha faqradda 2aad ee qodabka 59aad lagana xoreeyo damiintaha damaanadii, waxaana loo celinayaa cudhaadhii ka taalay maxkamadda, si waafaqsan faqradda koobaad ee qodobka 61aad.

Amarka Oodista Dacwadda iyo Tallaabooyinka la Xidhiidha:

Qodobka 77aad:
Marka ay u cadaato xafiiska xeer ilaalinta in aan la gelin danbi, ama eedaysanuhu uu san ahayn kii danbiga galay, ama aanu ahayn masuul danbi, ama la cafiyay ama la laabtay cabashadii, iyo xaaladaha kale ee ku xusan qodobka 72aad ee aynu hore usoo sheegnay, wuxuu xeer ilaayaha guudi ka codsanayaa maxkamadda awoodda u leh in uu baabi’iyo dacwadda kana qaado talaabooyinka kale ee ku haboon, fiiri qodobka 70aad, kadibna waa in maxkamaddu soo saartaa go’aan la xiriira in dacwaddu oodantay.

Amarka Horkeenidda Eedaysanaha Maxkamadda

Qodobka 79aad
Amarka ah in eedaysanaha la hor keeno Maxkamadda waxa uu ka koobnaanayaa amar, ku socda maamulka eedaysanaha ku haya xabsiga, oo ah in eedaysaha la keeno Maxkamadda awood u leh horteeda wakhtiga iyo goobta la cadeeyay si uu markaasi eedaysanuhu uga jawaabo eedyno khaas ah.

      Habka Duridda Xukunada Ciqaabta? Guji Halkan

Amarka u Yeedhitaanka Dhibanaha iyo Maragyada

80aad.
Garsooruhu wuxuu soo saari karayaa amarka loogu yeedhayo dhibanaha ama maragyadii wax ka ogaa duruufaha dacwadda.


    Halkan ka Degso Xeerka Ciqaabta  Guji Halkan 


   Halkan ka Degso Xeerka Madaniga Guji Halkan




[1] Qodobka 13aad Faqradiisa 5aad XHC: “Dacwadaha ogolaansho qoraal ahi yahay lagama maarmaan, waa in codsigaa la waydiistaa Xeer-Ilaaliyaha guud, ka hor intaan la soo saarin wax amar qabasho ah oo lid ku ah eedaysanaha. Haddii eedaysanaha la qabtay isagoo fal denbiyeed faraha kula jira waa in ogolaanshahaa isla markiiba la helaa”.