Racfaan u Qaadashada Maxkamadda Racfaanka
Qodobada
208-231aad.
Yaa racfaan u qaadan kara maxkamadda racfaanka:
Qodobka 208aad:
Waxaa maxkamadda racfaanka
racfaan u qaadan kara dhinac kasta oo kamida dhinacyada dacwadda oo racfaanka
dani ugu jirto.
Laakinse waxaa jira xaalado aan
eedaysanaha ama xeer ilaalinta loo ogolayn in ay racfaan qaataan, xaaladahaasi
waxa ay kala yihiin:
1.
Eedaysanuhu kama racfaan qaadan
karo xukunka denbiilenimadiisa ee uu isagu u qirtay denbiilenimadaas si
waafaqsan tilmaamaha xeerkan.
2.
Xeer-ilaalintu ma qaadan karto
racfaan lid ku ah amar oodis dacwadeed oo lagu soo saaray ka talo galin aanay
xeer-ilaalintu is hortaagin soo saarista amarkaa si waafaqsan tilmaamaha
xeerkan.
Dhinacyada racfaanka Qaadan kara:
Xukunka maxkamadaha derajada 1aad
waxaa racfaan ka qaadan kara:
1.
Eedaysanaha:
Qodobka 209aad:
Eedaysanuhu racfaan waa u qaadan
karaa shakhsi ahaan ama iyadoo ay u qaadayaan wakiiladiisa gaarka ahi.
Haddii eedaysanaha lagu soo saaro
xukun Dil ah, qareenkiisa dacwada ka difaacayay, wuu u qaadi karaa racfaan,
isagoo aan haysan igmasho gaar ah, xataa haddii aanu sidaa doonayn qofka la
xukumay.
Waalidka caruurta yar-yar iyo
wakiiladooda qaanuuneed ee xanaanooyinku, xataa haddii aanay lahayn xaqa
gaadhsiinta xukunka way u qaadi karaan racfaan.
2.
Xafiiska Xeer
ilaalinta:
Qodobka 210aad:
Racfaan wuu qadimi karaa xafiiska
Xeer-ilaaliyaha guud ama qofka dacwada uga wakiil ahaa.
3.
Dhinaca Dhibanaha:
Qodobka 220aad:
Racfaanada dacwadaha ciqaabta ah
ee dhibanaha ama eedaysanaha ee lidka ku ah khasaaraha madani ee lagu soo saaro
si waafaqsan Qod: 131, waxaa keliya oo la ogolaanayaa marka racfaanka lidka ku
ah xukunka ama siidaynta uu qadimo eedaysanaha ama xafiiska xeer-ilaalinta.
Habka Racfaan Qaadashada
Qodobka 212aad:
Habka racfaanka loo qaadanayo
waxa ay noqon kartaa, afka sheegid ama qoraal.
Waana in la helaa arji racfaan
qaadasho, arjigaasna waa in laga helaa arimahan:
1.
Sumadda xukunka, go’aanka amarka
ama qaraarka laga qaatay racfaanka.
2.
Taariikhda xukunkaas ama
amarkaasi soo baxay.
3.
Magaca xafiiska soo saaray.
4.
Muujinta asbaabta racfaanka.
Asbaabta Racfaanka:
Qodobka 216aad:
Asbaabta racfaanku waa in ay
noqotaa mid faahfaahsan oo sharci ku dhisan, isla markaana waa in ay tahay mid
cayiman haddii aysan cayinayn lama aqbalayo.
Asbaabta racfaanka waa lagu dhex
sheegi karaa arjiga racfaanka, haddii
aan lagu dhex sheegina waa in lagu keenaa qoraal uu saxiixay qofka racfaanka
qaadanaya ama wakiilkiisa gaarka ah ama qareenkiisa.
Asbaabta maxkamadda racfaanka
racfaan loogu qaadan karo waa asbaab ku salaysan fal iyo xeer intaba, ama
haddii si kale loo dhigoo gef la xidhiidha dhacdooyinka dacwadda iyo gef ku
saabsan sharciga.
Fiiri qodobka 10aad ee XNG.
Ogaysiinta Racfaanka:
Qodobka 213aad:
Ogaysiinta racfaanka waxaa loo
gudbinyaa kaaliyaha Maxkamada soo saartay amarka ama xukunka laga racfaan
qaadanayo.
Haddii qofka racfaanka qaadanayaa
xidhan yahay, ogaysiinta racfaanka waxaa loo dirayaa maamulka haya qofka
xidhan, maamulkaasina waa in uu markiiba u gudbiyaa ogaysiinta racfaanka
kaaliyaha Maxkamada xukunka ama go’aanka laga racfaan qaadanayo soo saartay.
Waqtiga Ogaysiinta Racfaanka:
Qodobka 214aad:
Mudada racfaan gudbintu waxa ay
ku xadidan tahay:
1.
30 casho, haddii racfaanku lid ku
yahay xukun oo ka bilaabanaysa maalintii xukunkaa lagu dhawaaqay.
2.
15 casho, haddii racfaanku lid ku
yahay go’aan kale oo garsoor oo ka bilaabanaysa:
a)
Maalinta la soo saaray
go’aankaas, iyadoo dhinacyadu goob-joog yihiin.
b)
Dhinacyada aan joogin la
gaadhsiiyay.
Xalaalaynta Muddo Dhacday:
Isla qodobka 214aad wuxuu
sheegayaa in Maxkamada Sare iyo Maxkamada racfaanku ay u kordhin karaan go’aan
ay qolka tashiga ku qaataan, waqtiga gudbinta racfaanada lidka ku ah xukumada
ama go’aamada Maxkamadaha hoose, markay xaqiijiyaan in aan eedaysanuhu waqtiga
u xadidan gudbinta racfaanka ku gudbin kari waayay sababo ka baxsan awoodiisa.
Dabaqaada Racfaanka Dad Badan:
Qodobka 217aad:
Haddii xukunka maxkamaddu uu
kuwada dhacay eedaysanayaal badan, duritaanka iyo asbaabta racfaankana uu hal
eedaysane oo keliya soo jeediyo waxay waxtar u leedahay duritaankaasi oo kawada
faa’idaysanaya dhamaan eedaysanayaasha oo dhan, haddii duritaanka iyo asbaabta
racfaanku aysan ku saabsanayn sifooyin shakhsi ah oo qofkaas u gaar ah.
Dirista Qoraaladda Racfaanka:
Qodobka 222aad:
Marka ay soo dhamaystirmaan
shuruudaha racfaan qaadashadu, kaaliyaha maxkamadda soo saartay xukunka ama
go’aanka waa in uu si degdeg ah ugu
diraa kaalinta racfaanka loo qaatay, nuqulka gal-dacwadeedka iyo go’aanka laga
racfaan qaatay iyo ogaysiinta iyo asbaabta racfaanka iyo weliba dhukumenti
kasta ama qoraalkasta oo dacwada khuseeya.
Kaalinta galka diraysa waa in
nuqul ka mida qoraalada la dirayo uu u hadhaa, waana in ay ku lifaaqdaa galka
ay dirayso warqad koobaysa warqadaha ku jira galka, kaalinta racfaankuna loo
keenayna xil baa ka saaran u gudbinta galkaas iyo qoraaladdaas guddoonka ku
shaqada leh, diiwaangelinta galkaas iyo wixii la mid ah, waana in ay hubaal
celin ka bixiso in ay heshay galkaas.
Dhegaysiga Racfaanka:
Maxkamadda racfaanku markay ay
dhegaysanayso racfaanadda laga soo qaatay, xukunadda maxkamadaha hoose, waxay
raacaysaa tilmaamaha la xidhiidha dhegaysiga dacwaddda ee maxkamadda derejada
1aad ilaa iyo inta ay suurtagal tahay in la dabaqo.
Marka la furo fadhiga dhegaysiga
dacwadda racfaanka ah, racfaanlaha waxaa laga rabaa in uu faahfaahiyo asbaabta
racfaankiisa, kadibna dhinaca kale ayaa la siinayaa fursad uu kaga jawaabo,
dhinacyadu way samayn karaan soo jeedin, sida is hortaagyo, wayna soo bandhigi
karaan dalabyo iyo codsiyo ay u arkaan wax tar, iyagoo aragtidooda kasoo
jeedinaya arrimo xeer iyo xaqiiqo oo ay aaminsan yihiin in maxkamaddu
oggolaanayso.
Fiiri qodobka 231aad.
Haddii racfaanku lid ku yahay
xukun ama siidayn, oo ay Maxkamadu u aragto in aanay kaga go’aan qaadan karayn
cadaymaha horyaal, waxay amri kartaa:
·
In dib loo dhegaysto dacwada
dhammaanteed ama qaybteed.
·
In ay su’aalo waydiiso maragyo
derejadii hore lagu soo dhegaystay, kuwaas oo laga yaabo in ay cadeeyaan arrimo
aan hore loo tixgelin.
·
Ay qaado cadaymo cusub
·
Ay dib u dhegaysato maragyo
khabiir.
Go’aamada Maxkamada Racfaanka:
Qodobka 229aad:
Maxkamadda Racfaanku waxa ay ka
go’aamin kartaa dacwaddii racfaanka looga soo qaatay:
1.
In ay ayyido xukunkii maxkmaddii
hore.
2.
In ay wax ka bedesho xukunkii
maxkmaddii hore.
3.
In ay tirtirto xukunkii hore
xukun cusubna soo saarto.
4.
In ay dacwadda dib ugu celiso
maxkamadihii derejada 1aad.
Haddii Maxkamadda Racfaanka ay u
cadaato in aysan Maxkamadda derajada 1aad iyadu ikhtisaas u lahayn dhegaysiga
dacwada ama ay u cadaato in xukunkeedu yahay baaba’a, markaa waxay ku
dhawaaqaysaa in dacwada dib loogu celiyo Maxkamada awooda u leh si loogu soo
dhegaysto.
U Cabashada Maxkamadda Sare
Qodobada
232 ilaa 236aad.
Eedaysanaha ama xafiiska xeer
ilaalintu, labadadoodaba waxaa u furan in ay maxkamadda sare u qaataan cabasho
lid ku ah xukun ama go’aan ku saabsan aqbalid la’aanta racfaanka, ee maxkamadda
racfaanku soo saartay. Fiiri qodobka 232aad ee XHC.
Maxkamadda sare waxaa u furan in
ay toos u dhamayso racfaanka ama dib ugu celiso maxkamadaha hoose. Fiiri
qodobka 241aad ee XHC.
U cabashada maxkamadda sare,
waxaa la aqbali karaa oo keliya, asbaab sharci oo ah kuwa hoos ku xusan:
1.
Ikhtisaas la’aanta maxkamadda
hoose.
2.
Ku xadgudub ama khalad u
dabaqidda qodob qaanuuneed.
3.
Baaba’a xukunka
4.
Asbaab la’aanta xukunka, ama
asbaabta oo aan ku filayn ama is khilaafka asbaabta.
Fiiri qodobka 232aad ee XHC.
Go’aan Gaadhista Cabashada Maxkmadda Sare
Maxkamadda sare marka ay
dhegaysato cabashada loo soo qaatay, wax ay qaadan kartaa go’aanada soo socda
midkood:
1.
Waxay diidi kartaa cabashada
iyadoo samaynaysa sixitaanka lama huraanka ah ee khalad kasta oo sharci ee a
xidhiidha, asbaabta lagu saleeyay xukunka, iyadoo ay tahay khaladkaasi in aanu
saamaynaynin nuxurka xukunka.
2.
Waxay burinaysaa xukunkii
cabashada laga soo qaatay, dacwaddana waxa ay dib ugu celinaysaa maxkamadaha
hoose.
3.
Waxay burinaysaa dhamaantii ama
qayb ka mida ah xukunka laga soo cabtay, marka aan caddaymo dheeri ah loo
baahnayna waxay go’aan ka gaadhaysaa dulucda dacwadda, marka caddaymo dheeri ah
loo baahan yahayna, waxay dacwadda dib ugu celinaysaa maxkmadda hoose.
Xukunka maxkamadda waxaa qoraal
ku soo saaraya guddiga garsoorayaasha ah ee dhegaystay dacwadda mana jireyso
racfaan laga qaadan karo xukunka maxkamadda sare ee dalka.
Fiiri qodobada 233aad iyo 236aad
ee XHC.
Dib u Eegista Maxkamadda Sare
Qodobka
237aad – 243aad.
Qodobka 238aad:
Markasta oo qofka uu ku dhaco
xukun aan racfaan ka furnayn, wuxuu awood u leeyahay in uu qaato dib u eegis,
haddii la helo asbaabtan mid ka mida:
1.
Mar kasta oo ay cadaato in dib
laga helay marag muujin ku filan kaligeed, ama markii arimo kale lagu daro,
taaas oo caddaynaysa in aanu danbiba dhicin, ama eedaysanahu uusan ahayn kii
danbiga galay.
2.
Haddii ay cadaato in xukunka loo
cuskaday natiijo ay sababtay fal been ah, ama fal kale oo sharcigu dembi u
aqoonsaday, iyadoo ay tahay in xukun kama danbays noqday uu kasoo baxay natiijo
ahaanta falkaas beenta ah ama dhukumiintigaas beenta ah.
3.
Haddii marag muujinta lagu
xukumay ay muuqato in xukun kale oo aan racfaan ka furnayni ku fasiray ama ku
tilmaamay si ka duwan fasiraadda xukunka laga soo qaatay dib u eegista.
Si kastoo ay ahaataba Codsi kasta
oo dib u eegis ahi waa in uu ku salaysan yahay xaqiiqo ama cadayn, haddii la
soo bandhigo cadaynaysa:
1.
In aan denbiga la gelin, haddii
la galayna aanu ahayn eedaysanaha kan galay.
2.
Ama In aanay jirin waxa cadayn ah
oo sheegaysa in denbi la galay ama in haddii la galay uu yahay eedaysanuhu
qofka galay.
Haddii kale codsiga lama
aqbalayo.
Goormaa Dib u Eegis la Qaadan Karaa?
Majirto dib u eegista waqti u
xadidan ee markastoo la helo asbaabta iyo shuruudaha dib u eegista waa la
qaadan karaa, xita haddii ciqaabtu dhamaatay ama ay dhacday.
Fiiri qodobka 237aad.
Yaa dib u Eegis Qaadan Kara?
Qodobka 239aad:
Dib u eegis waxaa qaadan kara:
1.
Qofka xukuman
2.
Xeer-Ilaaliyaha guud
3.
Faraca (ubadka), asalka
(waalidka) ama xaaska/sayga qofka la xukumay, haddii qofkii la xukumay dhintay.
Arjiga dib u eegista waxaa loo
soo gudbin karaa qof ahaan ama waxaa soo gudbin kara wakiiladiisa gaarka ah,
waxaana loola soo gudbinayaa isagoo ku lifaaqan yihiin dhukumentiga taageeraya,
dib eegita, waxaana loo geynayaa kaaliyaha Maxkamada Sare.
Dhegaysiga Dib u Eegista:
Qodobka 240aad:
Gudoomiyaha Maxkamada sare markuu
helo codsiga dib u eegista iyo dhukumentiga qiimogalka ah, wuxuu Maxkamada ku
kulminayaa tashiga, si hordhac ahna waxay uga go’aan gadhayaan haddiiba arjigu
yahay mid la aqbalayo.
Haddii shuruudihii arjiga lagu
qaban lahaa maqan yihiin ama arjigu uu si buuxda ugu muuqdo mid aan sal lahayn,
Maxkamadu waxay ku dhawaaqaysaa in aan la aqbalin.
Qodobka 241aad:
Haddii Maxkamada Sare ogolaato
codsiga, dhegaysiga waxaa lagu samaynayaa Maxkamad furan.
Maxkamada Sare goortaas waxa ay qaadaysaa
talaabooyinka midkood:
1.
Haday hesho in xaqiiqda iyo
cadaymaha muujinayaan in arjigu si fiican u dhisan yahay, waxay dhinac isaga
leexinaysaa xukunka.
2.
Haday hesho in baadhis dheeraadi
tahay lama huraan, sidii hore waxay dhinac isaga leexinaysaa xukunka, waxay
dacwada u gudbinaysaa Maxkamada ikhtisaaska u leh si ay ugu soo dhegaysato
sidii caadiga ahayd.
3.
Haddii codsiga dib u eegistu aanu
buuxin shuruudihii waxay diidaysaa codsiga.
Codsiga Magdhowga Khasaaraha
Qododbka 243aad:
Xukumanaha lagu siidaayo dacwad
dib u eegis wuu u soo gudbin karaa codsi Maxkamada Sare uu ku codsanayo in
khasaaraha uu bixiyo qaranku.
Maxkamada Sare waxay tashi ku
go’aaminaysaa haddiiba loo soo qaadayo khasaare iyo xadiga loo soo qaadayo,
iyadoo Maxkamadu ku xisaabtamaysa khasaaraha maadi iyo mooraal ee qofka xukunaa
la dhibaatooday natiijada xukunkaa la tuuray dartii.
Qaranku wuxuu ka magdhaban karaa
kharashkaa, ilaa xadka sharcigu ogol yahay, qofkasta oo kas qasdi denbi u
sababay xukunka khaldan.
Halkan ka Degso Xeerka Madaniga Guji Halkan
maasha laaah waxbadan ayaan kaa faaiiday wll
ReplyDeleteMahadsanid wll waxaan Jecelnahay in aad Qormooyinka soo kordhisaan
ReplyDeleteMsha allah si fudud ayay u fahmi mhdsn wll
ReplyDeleteMasha Allah waxay nagu hogaaminaysaa caawimaaddan aad bulshada u heysaan
ReplyDeleteMustaqbalka Umadda Somaliyeed in uu noqdo mid dhidibada si adag loogu aasay
Waxnabara aan barwaaqo garner,
Mida kale aniga tayda gaar ahaan waxan ka faa'iday aqoon aan cadaad laheyn
Mhadsanidiin
Walaalayaal.
Waa wax lagu farxo inaan halkaan ka helnay barashada sharciga dalka
ReplyDelete