Xeerka Madaniga Soomaaliyeed

Xeerka Madaniga Soomaaliyeed (Somali Civil Law)


Somali Civil Law


Xeerka madaniga soomaaliyeed ee hadda wadanka lagu dhaqmo waxaa lagu ansixiyay xeer Lr:37 soona baxay 2 juunyo 1973.
Xeerkan madaniga ah dhamaantii waxaa laga soo qaatay xeerkii madaniga ahaa ee masar([1]) umana dhexeeyo labadooda xooga yar oo farqiya mooye.

Xeerka madaniga ah ee masar wuxuu qaatay qoristiisa iyo tifatirkiisu muddo dhan 12 sanadood 1936-1948.
Xeerka madaniga ah ee masaaridana ilihii laga soo qaatay oo qoristiisa loo cuskaday waxaa ka mid ahaa:
-         Xeerkii madaniga ee faransiiska oo ahaa midkii lagu dhaqayay masar laga soo bilaabo 1876 dii.
-         Xeerarkii madaniga ee wadamadii reer galbeedka qaarkood sida: Germany, Switzerland iyo Talyaaniga iyagoo qawaaniintaas kasoo  dheegtay dhinaca hab qoraalka iyo dhiraandhirinta kana soo qaatay qodobada xeerarkaas intii ugu macquulsanayd ee suubatay lana jaanqaadi karaysay deegaankooda iyo dhaqankooda.
-         Fiqiga islaamiga ah oo ay in badan aad axkaamtiisa ugu cuskadeen dejintii iyo qoristii xeerkan, isagoona ka dhignay il ama masdar guud oo ay waajib ku tahay garsooruhu in uu laabto haddii uu waayo qodob qoran oo uu xukun kiisa u cuskado, isagoo aan dafirin darajada iyo maqaamka sare ee uu ku dhex leeyahay fiqiga islaamiga ahi madaahibta qaanuuneed ee caalamiga ah, waxaynuna tusaale usoo qaadan karnaa  axkaamta iyo qodobada xeerkani uu kasoo dheegtay fiqiga islaamiga ah axkaamta ay ka midka yihiin, ku tagrifalka isticmaalka xaqqa (التعسف في استعمال الحق), wareejinta deynta (حوالة الدين), kireynta waqafka, dhamaadka kiradu ay dhamaanayso haddii kireystuhu uu dhinto, iibka uu sameeyo qof geeri qarka u saaran iyo axkaamta shufcada, dhamaan qodobadaas oo dhan iyo qaar kaloo badanba xeerka madaniga ee masaaridu wuxuu kasoo qaatay fiqiga islaamka.


Khubaradii soomaalida ee dejisay xeerkan madaniga ahi kuma ay koobsan oo kaliya inay sidiisa usoo wada dheegtaan Qaanuunkii Madaniga Masaarida, ee waxay kusameeyeen meelaha qaar wax ka badal iyo gaabin (2).

Wuxuuna ka koobanyahay xeerka madaniga soomaaliyeed 958 qodob.
Halka ka masaariduna uu yahay 1149 qodob.

Halkan ka degso Xeerka Madaniga Soomaaliyeed isagoo Pdf ah iyo isagoo Word ah

Xeerka Madaniga Soomaaliyeed Pdf

Xeerka Madaniga Soomaaliyeed Word

Sidoo kale Akhri 


               Waa Maxay Dacwad Ciqaabeed? Guji Halkan 
             
          Hawlaha ka Horeeya Dhegaysiga Dacwad Ciqaabeedka? Guji Halkan





[1]) Soomaalida kaliyana ma ahan cidda xeerka madaniga ee masar sidiisa usoo dheegatay ee arintaa waxaa inala qabay wadamo badan oo carbeed oo Suuriya iyo Aljeeriya  ka mid yihiin.

[2]: Xog intaa ka faahfaahsan u noqo Buugga Furaha Barashada Cilmiga Qaanuunka, ee uu qoray Khaalid Jaamac Geelle.

9 comments: